Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Cabdi-Weli Gaas Oo Diiday Amarka Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud

Thursday - September 20, 2012

Sida warku sheegayo C/weli Gaas ayaa diiday ka qeybgalka shirka Newr York kadib markii loo sheegay inaan loo magacaabi doonin Ra’isul wasaare, wuxuuna ku dooday inuusan shirkaasi ka qeybgeli-doonin, Madaxweynahana uu isagu aado maadaama lagu casuumay, wuxuuna warku intaasi ku darayaa in Mr. Gaas oo rajo ka qabay in loo magacaabo Ra’isul wasaare uu hadda waayey xilkaasi, uu ka baqoolayo dalka Soomaaliya, isla markaasna uu dib ugu laabanayo dalka Mareykanka oo uu markiisii hore ka yimdi.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa sheegay in shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay uu ka baqsaday kaas oo dhacaya 24.09.2012, weliba waxaa jira shir gaar ah oo Soomaaliya looga hadlaayo kaas oo barbarsocda Shirka guud ee Qaramada Midoobey kaas oo dhacaya 26.Sept.2012, laakiin waxaan qiimeeyay howsha taala iyo shirkaas, waxaana ii soo baxdey in howsha taalaa ay badan tahay, sidaas darteedna aan ka baaqdey Shirkaas, arintan oo Xildhibaanadu si weyn u soo dhaweeyey una sacab tumeen, maadaama madaxdii hore ay ahaayeen kuwo aan cafin shir aan macno lahayn xitaa, isla markaana boorsadoodu ahayd mid iska xirxiran .. Xigasho WidhWidh Online News Desk