Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Warqad Sir Ah Oo La Yiri Waxa Laga Helay Gudiga Farsamada So Xulitaanka Baarlamaanka

Monday - September 3, 2012

Muqdisho-Xigasho DHM-News:- Qaar kamid ah Warbaahinta ayaa helay Warqad si hoose uga soo baxday Gudiga Farsamada Soo Xulitaanka Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya (TSC) Warqadaas ay ku qoran yihiin Magacyada Xubno ay Gudiga jeebkooda kasoo magacaabeen ayna doonayaan in ay Baarlamaanka ku daraan.

Magacyada ku qoran Warqada kasoo baxday Gudiga Farsamada ayaa ah mid aysan ka warqabin Odayaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed ee xubnaha uga harsan yihiin Baarlamaanka, kuwaa oo horey u gudbiyay magacyada Xubnaha Beelahooda u matalaya Baarlamaanka , hasa ahaatee si cadaalad daro ah ay Gudiga Farsamada usoo celiyeen qaarkoodna ku badalay Xubno kale ay lacago laaluush ah ka qaateen iyo Xubno ehel la ah.

Warqadan kasoo baxday Gudiga Farsamada ayaa ku taariiqeesan 31-ka Bishii Agoust ,waxaana horey loo shaaciyay in Gudiga Farsamada Waqtigooda uu dhamaaday iyagu naftoodana horey u qireen in Waqtigooda dhamaaday , iyadoona Xiliga Warqadan soo baxday uu Baarlamaanka Soomaaliya lahaa Gudoon Dhameestiran ay doorteen kaa oo hada Hogaamiya.

Warqadan kasoo baxday Gudiga Farsamada ayaa si Hoose looga helay Maxamed Cali Xeyle oo ah Xubin kamid ah Gudiga Farsamada kana soo jeeda Beesha Murusade ,waxaana Ninkan horey loogu eedeeyay Xubno aan Odayaasha Dhaqanka ee Xulayay Baarlamaanka ka warqabin uu ku daray Liiska Xildhibaanada Beesha Murusade.

Qoraalka Warqada ku qoran ee laga helay Maxamed Cali Xeyle ayaa muujineysa in la doonayo in lagu carqaladeeyo go’aankii kasoo baxay Maxkamada Sare ee Dalka taariiqdu marka ay aheed 28-kii Agoust, Xiligaa ay Maxkamdu Xukmisay in Xubno Hogaamiyo kooxeedyo ahaa iyo rag kale aysan laheyn wax Dambi ah lagana been abuurtay ayna xaq u leeyihiin in ay kamid Noqdaan Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya.

Gudiga Farsamada ayaana Hogaamiyaashii iyo Xubnihii ay celiyeen oo u badnaa Beesha Hawiye ku eedeeyay in ay yihiin Dambiilayaal dagaal, xili aysan jirin Cid Hogaamiyaashaasi eedeysay ama Maxkmad ku xukuntay in ay yihiin Dambiilayaal Dagaal oo dadkooda iyo Dalkooda dambi ka galay.

Waxaana hada socdo Qorshayaal la doonayo in Maxkamad lagu soo taago Gudiga Farsamada ee Waqtigooda dhamaaday kadib markii ay eedeemo iyo aflagaado u geesteen Hogaamiyaal Beelahooda soo xusheen iyo Musuq maasuq badan ay gudigu saameeyeen intii ay ku jireen soo Xulitaanka Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya.

Ugaaska Beesha Murusade Ugaas C/laahi Ugaas Xaashi Fara Cadde waxa uu sheegay in Xubnahan 8-da ah ee ku qoran Warqada ay Gudiga Jeebkooda ka qorteen Odayaashana aysan la socon ,waxa uuna intaa raaciyay in Horey sidaan oo kale Gudiga Farsamada Beesha Murusade ugu dhaceen Xubin aysan iyagu soo xulin balse Gudiga Farsamada ku galiyeen Musuq maasuq iyo Qiyaano .

Xubnaha hada muranka ka taagan yahay ayaa ah ilaa 4-Hogaamiye ay Maxkamada sare ee Dalka horey u cadeesay una go’aamisay in ay kamid noqdaan Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya loona sameeyay kaararka aqoonsiga ee cadeenaya in ay Xildhibaano yihiin inkastoo aan la dhaarin .

Xubnaha la isku heesto ayaa kala ah.

1-Maxamed Qanyare Afrax
2-Bootaan Ciise Caalin
3-Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Finish )
4-Axmed Ducaale Geelle Xaaf

Gudiga ayaana Xubnahaan oo kalsooni ka heesta Beeshooda iyo Odayaasha Dhaqanka ee Xulayay Baarlamaanka waxa ay ku badaleen 4-kamid ah Raga ku qoran Warqadan kasoo baxday Gudiga Farsamada kuwaa oo kala ah .

1-Nuur Ali Ahmed
2-Aadan Xaaji Xasan
3-Siciid AXmed Kadiye
4-Prof Cali Sheekh Ismaaciil (Gacal)

Xubnahaan Afarta ah ay gudiga ugu tala galeen in ay ay ku carqaladeeyaan Xubnaha an horey usoo xusnay oo heesta Kalsoonida Beelahooda iyo Odayaasha Dhaqanka, ayaa odayaal aan la hadalnay waxa ay sheegeen in Xubnahan magacyadooda ay Gudiga soo qoreen aysan la socon meel laga keenay iyo waxa ay yihiin wax war ahna aysanba ka heyn in ay dalka joogaan iyo in kale ragaan Gudiga soo qorteen.

Gudiga Farsamada ayaana noqday kuwa Musuq maasuq badan kasameeyay intii ay dalka Joogeen, waxaana Musuqaasi la sheegay in ay ku qaateen lacago aad u fara badan ay kaga heleen Xubno ay jeebkooda ugu dareen Baarlamaanka iyo Qaar kamid ah Saxiixayaasha Road-mapka oo gudiga ka codsaday in ay Hogaamiyaashii kooxaha ka hor istaagaan kamid noqoshada Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya kuna tilmaamaan Dambiilayaal Dagaal.