Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Rajadii Puntland Ee Helitaanka Shidaalka Oo Si Rasmi Ah U Beenowday

Monday - September 3, 2012

Galdogob Times- Nayroobi - Shirkada baaritaanada shidaalka ee Horn Petroleum ayaa sheegtay dhowaan inay ugu tageen biyo ceel shidaal ay ka qodayeen horaantii sannadkan Puntland, ceelkii ugu horeeyey ee lagu hungoobi, Shabeel 1 oo hoosta loo qoday ilaa afar kilometer ayaa xilligan laga guuray.
Masuuliyiinta shirkadaa ayaa sheegay maadama wax raadad shidaal laga waayey ceelkii koowaad, inay qorsheeyeen qoditaanka ceel labaad, balse, mar kale ugu tageen meel maran, isla markaana shirkadu ceel danbe shidaal ka baari -oonin.
 
"Maadama aan ka niyad jabnay inaan wax raadad shidaal ka helo qoditaanka labadii ceel ugu horeeyey Puntland, waxaan si weyn ugu qanacnay inaan wax shidaal jirin," ayuu gudoomiyaha Horn, Keith Hill sheegay.
Inkastoo, rajooyin badan ka jireen shidaal laga helo wadanka geeska Afrika qarniyo, waxa cadaatay inaan wax keyd shidaal jirin.
Rajadii in dooxada Dharoor, leedahay keyd shidaal ayaa soo jiitay masuuliyiinta deegaamadaa. Shirkadaha ayaa hore ugu qiyaasay ugu yaraan ilaa 300 bilyan oo shidaal laga heli doono waqooyiga Soomaaliya.
Soomaaliya, oo dagaalo sokeeyey saameeyeen ilaa 1990-kii, ka dibma maleeshiyaadka fadhiid ka dhigeen xukuumada ayaa u muuqata, furimada ugu danbeeya baaritaan shidaal ee Afrika.