Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Dabagal Hal Bila U Sameeyey Dahir Calasow Kuna Xaqiijiyey Ninka Helaaya Kursiga Madaxtinimada Somali

Saturday - September 1, 2012

Murashaxa Abdullahi Ahmed Cadow wuxuu heystaa cod dhan 183 Mudane taas oo ka dhigan inuu yahay Madaxweynaha cusub ee Dowlada Somalia.
Liiska Codadka Musharaxa Cadow ka heysto beelaha Soomaaliyeed waxay kala yihiin:-
1- Hawiye wuxuu ka heystaa 42 Xildhibaan
2- Digil iyo mIrifle wuxuu ka heystaa 41 Xildhibaan
3- Daarood wuxuu ka heystaa 23 Xildhibaan
4- Dir wuxuu ka heystaa 51 Xildhibaan
5- Beesha shanaad wuxuu ka heystaa 26 Xildhibaan
 - Isku dar tira guud 183 Xildhibaan.
Musharaxa Cadow waxaa la tartamaya Murashaxiin fara badan ,waxaana u tanasulay dhamaan Musharaxiinta beesha Habargidir ,oo isku raacday inuu Murashaxooda Madaxweynaha noqdo Cadow.
Amb Cadow wuxuu heystaa jaanis aysan heysan Murashaxiinta la tartamaya.
Laacibka siyaasadda ku hanfaday ee Shariif Hassan Sheekh Adan wuxuu Xildhibaanada taageersan ee Digil iyo Mirifle oo dhan 42 Xildhibaan siin doonaa Cadoow maadama ay colaad kala dhaxeyso Cabdi Wali Gaas iyo Shariif Ahmed.
Prof Ahmed Ismail Samatar oo tartanka doorashada ka qeybgalayo wuxuu heli doonaa todobo cod wuxuuna siin doonaa Murashax Cadow maadama uu ku hari doono wareega 1-aad.
Wareega Finalka labaad waxaa iskugu soo hari doono Abdullahi Cadow,Shariif Ahmed,Mohamed Farmajo iyo Cabdi Wali Gaas.
Qidada ama sheekada la yaabka leh ee xiisaha badan waxay tahay.
Farmaajo hadii uu xaqiiqsado in doorashada looga adkaaday wuxuu codkiisa siin doonaa Abdullahi Cadow maxaa yeelay waxay colaad siyaasadeed kala dhaxeysaa Shariif Ahmed iyo Gaas.
Shariif Ahmed hadii uu xaqiiqsado in laga adkaaday wuxuu codkiisa siin doonaa Abdullahi Ahmed Cadow isagoo tixgelinaya heshiiska Murashaxiinta Hawiye iyo Colaada kala dhaxeysa Gaas iyo Farmaajo.
Cabdi Wali Gaas hadii uu xaqiiqsado in doorashada looga adkaaday wuxuu codkiisa siin doonaa Abdullahi Cadow maadama colaad siyaasadeed iyo xifaaltan kala dhaxeeyo Shariif Ahmed iyo Mohamed Farmajo.
Waxaa suurtagala laba mid ,
In Cadow iyo Farmajo ku loolamaan Finalka iyo in Shariif Ahmed iyo Cadow ku loolaman wareega finalka doorashada.
Cabdi Wali Gaas rajadiisu aad ayey u yar tahay maxaa yeelay taageero kuma laha beelaha iyo Xildhibaanada.
Cabdi Wali cod kama heli doono Mareexaan,Leelkase,Ogaadeen iyo Dhulbahante.
Ogaadeenka iyo Dhulbahantaha waxay u codeeyn doonaan Abdullahi Cadow halka Mareexaan ,Leelkase iyo beelaha kale ee Daaroodka qaar ka mida u codeeyn doonaan Mohamed Farmaajo.
Codka Xildhibaanada beesha Majeerteen waxaa Cabdi Wali la qeybsan doono Xaaji Mohamed Yaasiin Ismail oo ah maalqabeen ay isku beel yihiin.
Cabdi Wali Gaas wuxuu codad dhan labo ka heli doonaa beesha Habargidir gaar ahaan Sacad iyo Saleebaan.
Labadaan Xildhibaan ee beelaha Sacad iyo Saleebaan ka soo jeedo wuxuu la galay heshiis ku saabsan inuu Ra’isulwasare ka dhigi doono hadii uu guuleeysto.
Xildhibaanada beesha Dir badankood waxay taageersan yihiin Cabdullahi Cadow.
Maamulaha Shirkadda Daallo Airlines Mr Colaad wuxuu safka hore uga jiraa ragga Cadow Musharaxnimadiisa ololaha ugu jira.
Beesha Dhulbahante inay codkooda siiyaan Musharax u dhashay beesha Daarood waxay ka xigaan inuu khasaaro codkooda marka laga reebo sedexda uu Faroole ku darsaday baarlamaanka.
Dhulbahantaha waxay tirsanayaan godob la xiriirta in Majeerteen hagardaameeyay.lagana celin waayay.
Majeerteenka taabacsan Cabdi Raxmaan Faroole iyo Cabdi Wali Gaas waxay Muqdisho geeyeen lacag fara badan oo ay ku raadinayaa xukun.
Dowladaha Norway iyo Kenya waxay olole xoogan ugu jiraan in Cabdi Wali Gaas ku guuleeysto Madaxweynenimada Somalia si ay uga saxiixdaan hindise ay kula wareegayaan dhulka u dhaxeeya Dhoobleey ilaa Markko.
Su’aashu qofkasta isweydiinaya waxay tahay . Hadii Cadow guuleeysto yuu ka dhigi doonaa Ra’isulwasare?
NInka Cadow u noqon doono Ra’isulwasaraha waxaan sawirkiisa iyo taariikh nololeedkiisa faafin doonaa maalinta uu doorashada ku guuleeysto.
Cadow waa kuma?

Abdullahi Cadow oo ku jira Da’ Gaboow ah wuxuu laba jeer ku hungoobay tartanka doorashada Madaxweynenimada Somalia,wuxuuna la tartamay Cabdi Salaad Carte iyo Cabdullahi Yusuf Mbagathi.
Cadow waa rug cadaa siyaasadeed ,oo diblomaasiyadda mudo dheer ka soo shaqeeynayay laakiin dad la kulmay waxay sheegeen inuu yahay nin caro badan oo kuleel weyn ka muuqday.
Dhaliilaha dabeecadahiisa waxaa loo tirinayaa Da’diisa oo weyn iyo qurba joognimadiisa.
Si kastaba ha ahaatee,waxaa si rasmiya loo ogaan doonaa maalinta uu doorashada ku guuleeysta!