Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Waqtiga La Qabanaayo Doorashada Madaxweynaha Somaaliya Oo Lagu Dhawaaqay

Friday - August 31, 2012

Muqdisho - Kulankii Golaha Shacabka ay maanta ku yeesheen Guddiga qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha ayaa waxay ay ku dhawaaqeen Guddigu wakhtiga kama dambeysta ah ee Doorashadu ay dhacayso.
 
Guddigu waxaay shaaciyeen waqtiga Doorashada Madaxweynenimo ee Dalka ay dhaceyso iyagoona isku afgartay in Doorashadu ay dhacdo 10-ba Bisha September ee Foodda inagu soo heysa.
Guddiga qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha ee Soomaaliya ayaa sidoo kale isku afgartay in 3-da Bisha ay bilaabmato Araaji qabashada Musharixiintataasi oo socon doonta ilaa 6-da Bisha sidoo kalena7-da Bisha ay bilaabmi doonto Qudbadaha ay jeedinayaan Musharixiinta u taagan Qabashada Xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa qabashada Araajida Musharixiinta iyo sidoo kale tirade Musharixiinta la'aqbali karo in ay ka qeyb galaanDoorashada Xilka Madaxweyne ee Soomaaliya
Gudiga ayaa ku dhawaaqay Afhayeen uu yaasho Guddiga waxaana ay u doorteen in uu noqdo Xildhibaan Cismaan Libaax oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya kana mid ah Guddiga qaban qaabada Doorashada.
 
Sidoo kale Guddiga waxa ay sheegeen in ay ku dhawaaqi doonaan Maalinta Barito ah Shuruudaha looga baahan yahay Musharixiinta iyo sidoo kale  kharashaadka laga doonayo Musharixiinta
Si kastaba waxaa laga dhursugayaa waqtiga ay dhacdo Doorashada Madaxweynenimo ee Dalka taasi oo Shacabka Soomaaliya ay si aad ah u hadal hayaan