Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Hadal-haynta Shacabka Mogdisha Iyo Ninka Loo Maleeynaayo Inu Madaxweynaha Somaaliya Ku Soo Baxo

Thursday - August 30, 2012

Galdogob Times-Mogadisho: Duruufaha dhacaya waqtigaan ee dulun-dulcaynaya ku-tiri kuteen kolba dhan isula dulaanto iyo sida ay dadka mogdisho hadalkooda ku soo bandhigayaan, waxaa jaran-jarta ka dhacay afkana cawska la waayey Shariif Sakiin oo inta badan shacbiga Somaali ku tilmaamaan Nin Madax-nimo u waashay iyo dhigo maal aduune, duunyadiisu ay tahay dambarkeeda uun Liso, waxuuna ahaa Ninka keliya ee madaxweyne ugu sharaxan beesha Raxn-weyn, hasa ahaate qorshahiisi ahaa in jagada G. baarlamaanka u ku xaragoodo Cali Khalif oo dabadeed badka isa soo dhigay halkaaso u rabay Daaroodka inu ka lumiyo saamigisi dawladnimo isaguna ka noqdo dalka madaxweyne ama raiisal wasaaraha ayaa fashal uga yimid kadib markii isbahaysi si kadis ah ku abuurmay ka kooban 25 xidhibaan oo Raxn-weyn ah iyo xubno u badan Dir iyo Daarood afar xildhibaan mooye inta kale Maya saaraty warqadi cod bixinta waxaana is bahaysigaas ku meel gaarka ahaa ay soo saareen Dr. Jawaari oo u dhashay Jufada Elayda-Raxan-weyn.

Sidaa daraadeed  kursigi Beesha Raxan-weyn waxuu dib ugu noqday golahi Baarlamaanka oo awalba is faham guud ku saleysnaa in kursiga baarlamaanka illa iyo doorasho guud ku meeleysmaan Raxan-weyn .. halkaas iyo iminka sida wax u dhaceen waxaa doorshadi tartanka madaxwey-nimada ku waayey Shariif Sakiin oo horay u yiri Ninki reer raxanweyn ah oo isu taaga kursiga G. baarlamaanka u yahay toogasho iyo shan xabadood, hasa ahaate waxaa u hadda raajixinaya iyadoo duni meel ugu xirantahay sidi uga mid noqon-lahaa wasiirada cul culus midkood, laakiin waxuu markaan ilaawsan-yahay in xubnaha wasiir ee beesha Raxan-weyn wax laga weydiin-doono Dr. Jawaari

Dhinaca kale waxaa iminka magaalada Mogdisho la hadal haya Ninka loo maleeynaayo inu madaxweynaha somaaliya ku soo baxo .. sida la saadaalinaayo waxaa aad loo hadal haya Shiikh Shariif inu mar labaad ku soo noqdo kursiga madaxwey-nimada dalka sido kale waxaa aad loo hadal haya in jaaniska Cadow u badan-yahay .. shaxda iminka la cayaarayo waxa ay sheegeysa in Gaas iyo Farmaajo xaga cod bixinta ay is cuni-doonaan iyadoo Shiikh Shariifna la filaayo inu helo cod badan oo raxan-weyn u badan oo ah garabka Dr. Jawaari oo hadda la sheegaayo in inta badan Raxan-weyn ku daba feylsan-tahay.

Si kastaba ahaate waxaa la is-weydiinayaa cida ku guuleysan-doonta doorashada madaxweynaha iyo waliba Raiisal wasaare reerka qaadan-doona .. haddaba haddi Shiikh Shariif madaxweyne noqdo waxaa la qiyaasaya inu markaan raiisal wasaare ka qabto beesh Dir gaar ahaan reerka Isaaq ama Gadabuursay oo ay dabada ka riixayaan beesha Reer galbeedka  .. halka la filaayo haddu C/laahi Cadow helo tirada codka baarlamaanka u maaanka ku hayo magacaabida Nin ah Reeraha Cismaan Maxamuud Ama Cabdulaahi Salaad oo ka soo jeeda beesha Leelkase .. cala ay xaal sheekada iyo saadaalinta Ninka noqonaaya madaxweynaha illa iyo hadda waa adag tahay si loo mala-awaalikaro waayo nimanka wax dooranaya ee xil-dhibaanada ayaa u badan shakhsiyaad xantoobsi mooye wax kale u dhadhameyn iska xamaalanaya amase lahayn saldhig siyaaso iyo aragti joogta ah balse maalin kasta sidi jinka iyo jaanka ayey hadba kubada dhinac aan laga fileyn u laadayaan.