Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Sh.Sakiin Iyo C/wali Oo Markaan Wiishki La Booday Hasa ahaate Raba Geemka Socda iney Ku Reebaan Sh..

Wednesday - August 29, 2012

Galdogob Times- warar ilo badan laga xigtay ayaa sheegaya in hooyga uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho C/wali gaas u xalay kulan deg deg ah uu halkaas ka dhacay iyo Saakaba si ujeedada looga hortago in xilka u ku soo noqdo Madaxweynaha Soomaliya Sheekh Shariif Axmed.
Kulankan oo dhexmaray Gudoomiyihii hore ee baarlamanka Soomaaliya shariif Xasan iyo Raisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/wali gaas iyo xildhibaano tageersan oo ka soo jeeda beesha Majeerteen ayaa looga hadlayay Guushii uu gadaal ka Riixayay Madaxweynaha shiikh shariif ee uu gaaray Jawaari.

Wararka ka soo baxaya kulankaas oo si hoose loo helay ayaa sheegaya in halkaas looga hadlay sidii Urur mideeya garabka ka soo hor jeeda Madaxweyne shariif looga dhawaaqi lahaa, waxaana ay isla soo qaadeen in boorsooyinka la furo ee Dolorku ka ka buuxo, waxaana C/wali Gaas ku balan qaaday in Shariif Axmed uu daaqada ka saarayo isaga oo yiri waxaa halkan ii jooga Madaxweynaha Faroole oo daaqada ka saaray Cali Khaliif Galaydh.

Shariif Xasan oo ay caro ka muuqato oo uu garab fadhiyo Gaas ayaa Wacad ku maray in uu geed dheer iyo geed gaban u fuuli lahaa sidii shariifka uu uga reebi lahaa Jaranjarada doorshada ee uu asaga shalay ka haray. Waxaa kale uu sheegay in C/wali Gaas innuu soo saari doono waxkasta ah igu qaadato yuu intaas ku sii daray.

Shariif Xasan ayaa u muuqda nin sabeeyay dhinaca siyaasada isaga oo aan haysan la taliyayaal, laakiin haysta malaayiin dolor ah oo meel la kala dhigo la lahayay, Guud ahaan waxaad moodaa in siyaasadii Soomaliya ka soo dhamaatay Shariif Xasan.

Madaxweynaha Dalka Soomaliya Shariif Axmed ayaa isku haysta inta badan Xildhabaanada Baarlamaanka, waxaa  kale uu haystaa rag aad u khubaro ah hadr iyo habayn shaqaynaya sidii uu doorasha ugu soo bixi lahaa Madaxweynaha Soomaliya ee la doonayo in dalka uu hogaamiyo 4 Sanno ee soo socota.

Dhinaca kale Ururkan oo u muuqda mid looga hor tagayo in uu ku Guuleesto doorashada Madaxweynanimada Soomaaliya mar kale Madaxweyne shariif ayaa moodaa in saacadihii la soo dhaafay ay si Xowli ah uga socoto Muqdisho.

Sidoo kale C/wali Gaas iyo shariif Xasan ayaa ololahan bilabay saacadihii la soo dhaafay Xili lagu wado 7 cisho kadib in ay dhacdo doorashada Madaxweynaha Soomaliya.