Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Gen. Maxamed Cali Samantar Oo Ay Maxkamad Mareykan Ahi Xukun Culus Ku Riday

Wednesday - August 29, 2012

Washington-Maxkamadii dalka Maraykanka ku dhagaysanaysay dacwadii xasuuqa iyo jir-dilka ahayd ee lagu soo oogay Maxamed Cali Samatar, ayaa shalay soo saartay xukunkii mudada dheer la sugayay.
 
Maxkamadda oo muddo siddeed sannadood ah dhagaysanaysay dacwadan lagu soo oogay Mr. Cali Samatar oo ahaa madaxweyne xigeenkii iyo wasiirkii gaashaandhiga ee dawladii Maxamed Siyaad Barre, ayaa shalay si rasmi  ah waxa uu xaakinkii dacwadda qaadayay Mr. Cali Samatar ugu riday xukun ah inuu bixiyo 21 Milyan oo dollarka Maraykanka ah.
 
Lacagtan xukunka ah ee lagu riday ayaa lagu sheegay inay isugu jirto Khasiraad maxkamadeed, beeno uu sheegay iyo magdhowga dambiyada uu gaystay, waxaanu xukunkani soo afjarayaa dacwadaas oo xataa gaartay maxkamadda sare ee dalka Maraykanka.
Wargeysyada iyo Telefishanada caanka ka ah dalka Maraykanka ayaa shalay baahiyay xukunkaas lagu riday Mr. Cali Samatar.  Geesta kale, maxkamadda ayaa hore sharcigii Maraykanka uga qaaday Mr. Cali Samatar, waxase la siiyay dal-ku-joog ku meelgaar ah oo loo yaqaano Temporary Status (TPS) oo la siiyo dadka aan sharciga haysan.
 
Maxamed Cali Samatar, ayaa qaybta Focus on Africa ee BBC-da, wuxuu sannadkii 1988 ka qirtay inuu isagu bixiyay amarkii lagu burburiyay magaalooyinka waaweyn ee hargeysa iyo Burco ee sidoo kale lagu laayey dad reer Somaliland ah oo la yiri waxba ma galabsan, hasa ahaate generaalku u ku dacwiyey in ay dalka soo weerareen oo u isna daafacayey Qaranka
Muwaadiniinta reer Somaliland ee dacwadda soo oogay ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin inay cadaaladii guulaysaty oo xukun lagu riday Mr. Cali Samatar iyadoo laga abaal marinayo dambiyadii dagaal ee uu gaystay wakhtigii uu madaxda ka ahaa dalka Somaliya.
Dhinaca kale maa daama maxkamadu madani tahay iyo sharciga ka yaala mareykanka awgeed kharajka magdhawga lagu xukumay generaalkaas ma ahaa mid u ku khasbanyahay inu bixiyo hadusan hayn amase aan la ogeyn in hanti u taalo dalka gudihiisa iyo dibada., laakiin sharciyan ay tahay wax laga rabo khaasatan markii ay soo gasho ama la ogaado inu haysto