Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

1,5 Litir Oo Biyo Ah Oo Aad Mudo 3-bilood Maalin Kasta Cabtaa Waxa Ay Daawo Ka Tahay Madax Xanuunk

Monday - August 27, 2012

Holland- Diyaariye Kamaal Axmed Cali -  Cilmi baarayaal ka tirsan jaamacadda Masterikht oo ku taalla dalka Holland ayaa sheegay in biyo badan oo la cabbaa ay geli karto kaalinta ay kiniinnada kaar jebinta ahi ugu jiraan xanuunnada kala duwan. Khubaradu waxa ay sheegeen in biyo badan oo la cabbo faa’idooyinka ku jira ay ka mid yihiin in ay kaarka xanuunka yareeyaan, in ay madax xanuunka guud ahaa iyo noociisa dhanjafka si gaar ahaaneed u daaweeyaan, oo lagaga maarmi karo daawooyinka kaar jebinta ah.  Khubaradu waxa ay sheegeen in qofka oo si nidaamsan oo joogto ah u cabba biyuhu ay ka yaranayso madax xanuunk badan, waxa aanay ku talinayaan in aan lagu degdegin daawooyinka kaar jebinta ah ee keliya la badsado biyaha. Cilmi baadhayaashu waxa ay sheegayaan in 7 koob oo biyo ah oo u uu qofku cabbo maalintii ay ku filan yihiin in ay ka kaxeeyaan garaaca iyo kaarka xanuunku keeno iyo in ay si guudba u wanaajiyaan xaaladda bukaanka madax xanuunka daran ka cabanaya.
 
Sida uu qoray wargeyska Al-Madiina ee ka soo baxa dalka Sucuudigu, khubaradani waxa ay natiijadan gaadheen kadib markii ay dabagal cilmiya muddo ku samaynayeen 100 ruux oo si joogto ah uga cawda madax xanuun daran, khubaradu waxa ay dadkan ku tijaabisay daawo dabiici ah oo isugu jirta mid nafsiya oo ah in ay muddo maskaxda ka faaruqiyaan warwarka iyo fikirka adduunka oo ay meel kelidood si nasasho ah u fadhiyaan, in ay hurdo fiican habeenkii seexdaan, in ay iska daayaan isticmaalka cuntooyinka iyo cabbitaannada maadadda Caffeine tu ku jirto sida bunka iyo daawada kale oo ah in ay muddo 3 bilood ah maalin kasta cabbaan 1 litir iyo badh biyo ah. Waxaana soo baxday in muddadaa kadib ay dadkani ka bogsadeen ama aad uga reeyeen madax xanuunkii badnaa.