Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Madaxweynaha Museveni Ee Ugaandha Oo Ku Hanjabay Haddi Aan Shiikh Shariif La Dooran In ...

Saturday - August 25, 2012

Kampala: By Muse Maxamed Osman - Madaxweynaha dlka Uganda Yoweri Kaguta Museveni oo ah nin miisaan culus ku leh siyaasada Soomaaliya ciidamada ugu badana ay ka joogaan ayaa si cad uga hadlay isbadalka cusub ee lagu doonayo in ay Soomaaliya ay ku yeelato dowlad rasmi ah oo la wada aqoonsan yahay.

Museveni ayaa si cad ugu sheegay xubno ka kala socday USA iyo EU in uu ciidamadiisa kala bixi doono dalka Soomaaliya hadii aan madax weyne loo dooran Sheekh shariif Sheekh Axmed , kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in USA iyo EU ay doonayaan in ay kursiga madax weynaha ku fariisiyaan nin ay iyaga wataan oo siyaadooda ku shaqeynaya , aysana raali ka aheyn shacabka Soomaaliyeed.

Museveni ayaa qiray in Sheekh Shariif wax weyn qabtay, isla markaana uu bedelay jawigii cakirnaa ee ay ku sugneyd siyaasada soomaaliya, loona baahan yahay in uu sii shaqeeyo si loo dhameys tiro wax qabadkiisii 4- ta sano ee geesinimada iyo dul qaadka ku dhisnaa.

Beesha uu ka dhashay Sheekh Shariif ee HAWIYE aad bey noola shaqeeyeen , gacan balaarana wey na siiyeen taas oo noo suura gelisay in aan ka guuleysan AL SHABAAB kana saarno gobolo fara badan, halka ay ciidamada ETHIOPIA oo 40 kun gaaraya ay dagaalbalaaran kula jireen kaas oo keenay in ay wax horumar ah gaari waayaan : ayuu yiri Museveni oo sheegay in loo baahan yahay in xaqiiqda la abaaro.

Museveni ayaa ugu dambeyntii sheegay in aanu dooneyn in la bur buriyo wax qabadkoogii iyo guulihii ay gaareen sidaa darteed loo baahan yahay in Sheekh Shariif mar kale uu noqdo madax weynaha soomaaliya maadaana uu heysto taageerada ugu balaaran shacabka soomaaliya, wuxuuna ugu dambeyntii sheegay in uu ciidamadiisa uu kala bixi doono soomaaliya hadii aan sheekh shariif loo dooran madax weynaha Soomaaliya.