Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Loolanka Mogdisho Iyo Laacib Sakin .. Galaafadka Cali Galeyr+Gurashada Jawaari Iyo Gariirka Gaas

Friday - August 24, 2012

Galdogob Times- Xigasho By Daahir Calasow.- Tartanka doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxtooyadd Somalia wuxuu galay jawi cabsi iyo walwal badan,waxay koox walba ka cabsi qabtaa in seefta qaado.
Musharaxiinta u taagan tartanka Madaxweynenimada Somalia ee beesha Daarood ayaa wadnaha farta ku hayo kadib markii Prof Cali Khaliif Galeyr ku dhawaaqay inuu yahay Musharax loolan ugu jira jagada Gudoomiyaha baarlamaanka Somalia.
Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo Cabdi Wali Gaas niyad jab xoogan ayaa laga dareemayaa maxaa yeelay Prof Galeydh wuxuu hada heystaa codad gaaraya 87 Mudane kuwaas oo iskugu jira Digil iyo Mirifle,Hawiye ,Daarood iyo Dir.
 
Laacibka weyn ee Shariif Sakiin oo ku dhaartay inaysan xilka Madaxweynenimada arkeyn Farmaajo iyo Gaas oo Colaad fogaatay kala dhaxeyso ayaa qoob ka ciyaar xoogan ugu jiro sidii Prof Galeydh ugu guuleeysan lahaa xilka Gudoomiyaha baarlamaanka Somalia.
Shariif Sheekh Ahmed,Mohamed Farmajo iyo Cabdi Wali Gaas waxay sedexdaba olole ugu jiraan inuu Gudoomiyaha baarlamaanka noqdo Mr Jawaari oo ka soo jeedo beesha Digil iyo Mirifle hasse yeeshee waxaa yar kalsoonida lagu qabi karo in Jawaari isu sharaxo xilka Gudoomiyaha baarlamaanka maadama cadaadis xoogan uu kala kulmayo beeshiisa.
Mudanayaasha baarlamaanka u galay beelaha Digil iyo Mirifle waxay saxiixeen heshiis siyaasadeed uu ka shaqeeyay Shariif Xasan Sheekh Adan kaas oo dhigaya in Xildhibaankii hareer maro hanka beesha ku dooneyso Madaxweynenimada Somalia uu ku waayi doono xubinimadiisa baarlamaanka.
Warqada laga saxiixay shaqsiyaadka Baarlamaanka u galay beelaha Digil iyo Mirifle waxaa ku qoran "Anigoo ah Xildhibaan hebel hebel,hadii aan ka hor imaado qadiyada beesha ku dooneyso Madaxweynenimada waxaan hoosta ka xariiqayaa in la iga qaadi karo xilka aad ii dhiibateen ee Xildhibaanada"
Mr Jawaari oo diiday inuu saxiixo heshiiskaan ayaa Siyaasiyiinta iyo Odayaal dhaqameedyada Digil iyo Mirifle ugu yeereen gogol uu dhigay Shariif Sakiin ,waxaana lagu canaantay inuu hanka beesha halis ku yahay,isuna sharaxi doono Gudoomiyaha baarlamaanka si loogu fashiliyo Shariif Xasan.
Mr Jawaari wuxuu si kooban ugu jawaabay" Aniga miyaad afkeyga ka maqasheen inaan isu sharaxay Gudoomiyaha baarlamaanka,aniga isuma sharaxayo xilkaas ,kaman hor imaanayo qadiyada beesha laakiin warqadaan ma saxiixayo"
Hadii maalmaha ugu dambeeyo Mr Jawaari isu taago tartanka Gudoomiyaha baarlamaanka,kuna guuleeysto taasi waxay u macna tahay in Shariif Sakiin la galaaftay oo duufaanta ku rido Ceel walwaaleed ama Bohola Xargaga .
 
Somaliland iyo Puntland Fadhi uma yaalo hadii Prof Galeydh noqdo Gudoomiyaha baarlamaanka Somalia ,sidoo kalena Prof Ahmed Ismail Samatar wuxuu dib ugu laaban doonaa Barenimadiisii ama Dhiig kar ayuu Muqdisho ugu dhiman doonaa.
Prof Galeydh maaha nin dhib yar mana ahan nin sahlan oo la baciidsan karo.
Hadii uu Gudoonka golaha Wakiiladda noqdo kabash kabash iyo kala orod badan ayaa dhici doono maxaa yeelay waa Galeydh oo Hayádii sharci dejinta u madaxa,Dowladnimadiisuna tahay mid Qaran oo KMG gaar ka gudubtay.
Safarkiisa ugu horeeya Buhodle,Laascaano iyo Taleex waa hubaal inuu ku tegi halk mooshinkiisa ugu horeeyana uu noqon doono XISAABTAN XOOLO DADWEYNE.
1- in Maamul goboleedyada soo gudbiyaan miisaanad sanadeedkooda,
2- In dhaqaalaha iyo taageerada Caalamka siiyo Maamul goboleedyada la marsiiyo Dowladda dhexe .
3- in Dowladaha deriska xushmeeyaan sharciga xaduudaha.
 
Faroole uma cuntami doonto Cali Khaliif oo Gudoomiyaha baarlamaanka noqday,wuxuuna ku dhawaaqi doonaa inay Somalia ka goosteen sida Somaliland laakiin goáankiisi waxaa shacbiyad badan ku kasban doona Prof Galeydh.
Rag uu ka mid yahay Ahmed Ismail Samatar oo Wasiirnimo ka raajicinaya Dowladda cusub ayuu Prof Galeydh galaafan doonaa maxaa yeelay waa siyaasi galaangal badan oo Samatar mar walba ku tilmaama shaqsi dalanbaabiya oo degaanadii uu ku dhashay tegi karin.
Inkastoo Galeydh sidaas qabo hadana Prof Samatar wuxuu heystaa Codka lix Xildhibaan oo ka mida sagaalka Xildhibaan ee Gadabuursiga heleen .waxayna kala yihiin,sedex jufadiisa Maxaa Case iyo sedex Habar Cafaan,lamase oga sedex Makaahiil mowqifkooda waloow Makaahiil yihiin beesha ugu tirada badan Samaroon.
Hal mooyee,inta kale dhamaan Xildhibaanada Digil iyo Mirifle waxay u codeeyn doonaan Prof Galeydh halka Murusadaha iyo Habargidir-ta laba mooyee inta kale yihiin Abuu Galeydh.
Beesha uu ka dhashay ee Daarood-ka lam hubo codka uu ka heli doono laakiin shan Dhuloosa iyo Lix Ina Aaboowa (Ogadeen) waa la isku hubaa.

Beesha Leelkasaha dhamaantood waxay cabsan yihiin qadiyada Prof Galeydh.
Hadii Prof Galeydh guuleeysto waxay Saadaashu tahay inay tartanka doorashada iskugu soo harayaan Abdullahi Ahmed Cadow iyo Shariif Hassan Sheekh Adan laakiin Suáashu waxay tahay maxaa ka jira in Shariif Sakiin jeebka ugu jiro Xersi ka sameeysan madaxa Libaaxa ? kaas oo loogu sameeyay Dalka India.
Hadii aan Jawaabtaas xilligeeda falanqeeyo wuxuu heshiis hoose ka dhaxeeyaa Cadow iyo Sakiin balse lama oga waxa ka run noqon doono.
Musharaxa Shariif Sakiin wuxuu qirtay inay aqoontiisa gaarsiisan tahay Dugsi hoose hasse yeeshee todobaadkii hore waxaa la daawaday Video isagoo ku hanjabaya inuu Shaahado suuqa ka iibsan karo hadii sharuud looga dhigo"
Si kastaba ha ahaatee,Shariif Hassan buurtii uu ku tiirsanaa ee Ethiopian-ka waxaa u taal tacsi oo Saaxiibkiis Meles Zenawi ayaa geeriyooday.