Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Itoobiya Oo Xoogi Ciidankeeda Soo Dhoobtay Xuduudaha Somaaliya Iyo Sida Aan Loo Garaneyn In ....

Wednesday - August 22, 2012

Adis Ababa: Dawladda Federalka Itoobiya ayaa xalay illa shalay deegaanka Somalida Itoobiya ee Kililka shanaad ku soo daad guraysay Kumanaan Askarta Federalka ka tirsan, kuwaas oo la sheegay xalayba inay soo gaareen Jigjiga isla markaana ay xiri doonaan Xuduuda Itoobiya ay la leedahay xuduudaha somaaliya oo dhan
.
Talaabadan ay qaaday dawlada itoobiya ayaa lagaga hor tagayaa si aan Cadawga labada Dal uga faa’iidaysan Nabadgelyo daro inay ka abuuraan mudada dalka Itoobiya ku jirto Tacsida loogu jiro Geerida Raysal Wasaarihii Dalkaas Ato Meles Zenaawi oo ay shalay Xukuumadda Itoobiya ku dhawaaqday inuu xaalad Caafimaad daro u dhintay.
 
Ma cada Heeganka Ciidan la galiyay inuu saamayn ku yeelan doono dhaqdhaqaaqii Dadweynuhu isaga kala gooshi jireen labada Dal iyo Inkale, hase yeeshee xaaladu waxay u muuqataa mid Feejignaan dheeraad ah lagaga yeelanayo isku day kasta oo wakhtigan lagu bartilmaameedsan karo in lagaga faa’iidayso Baroordiiqda Dalkaasi galay.
 
Dhinaca kalena, wararka naga soo gaaraya Telefishankii Kililka Shanaad ee Dawladda Is maamulka Somalida Itoobiya ayaa la joojiyay Barnaamijyadii ka bixi jiray waxaana lagu duway Barnaamijyada Caadiga ah ee ka baxa Telefishanka Dawladda Federalka ah ee Itoobiya.
Si kasta ha ahaatee Itoobiya ayaa gashay marxalad cusub oo hogaan cusub uu taladii Dalka la wareegay, taasoo aan la garanayn halka ay saldhigu doonto iyo waxa iska bedeli doonaan Qaabkii hore ee Maamul iyo siyaasadii Meles Zenawi ee ahayd mid xeel dheer oo degan.
Inkasta oo aanay wali cadayn jihada ay Itoobiya u dhaqaaqi doonto, hadana waxa soo baxaya su’aalo iyo Faalooyin siyaasadeed oo lagu naaqishayo Hogaanka cusub isbedelada uu ku samayn doono hogaamintii iyo wadashaqayntii ka dhaxayn jirtay Melez iyo Somalida. Gaar ahaana Kililka shanaad iyo Maamulada kala duwan ee ka jira Somaliya.
Sidoo kale Mandaqada kale ee ay ka mid yihiin Dalalka Kenya, Eratariya iyo Masar ayaa iyana isha lagu hayaa Isbedeladda Siyaasadeed ee ay la yeelan doono Maamulka Cusubi.