Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Xoosh,Gaas+Qodax Oo Maafiyada Mog. Ku Xukuntay Shaandheyn Shakado Rasaasa Si Hilibkoda Loo Karkariyo

Saturday - August 25, 2012

Galdogob Times- Mogadisho : Warar ayaa jira maalmahaan la soo gaarsiiyey Rag ka mida bahda shabakadaan Galdogob Times oo lagu xaqiijinaayo inu jiro shirqool Rag ooga somaali leh oo maanka ku hayaan laguna maleegaayo sidi rasaas loogu maansheen-lahaa shakhsiyaad iyagu lagu tilmaamay iney hor boodeen murankii iyo xayiraadi lagu reebay Xubnahi dhawaanta laga riixay xulka xildhibaanada ee ay soo gudbiyeen duubabkooda .. xubnahaas muranka galay oo la sheegay in marki gartoodi dhawr jeer laga hadlay aysan sura galin in dib loogu celiyo xilkoodi walow ay jirto nambar illa Todoba kooxda reer al-shiikh ah dib loo anshixiyey soo celintooda , hasa ahaate nambarkii haray oo gaaraya illa 20-30 xubnood ayaa talaabadi laga qaaday waxay keentay in nerfaha dhiigoodu kaco, dabadeedna miciyaha u listeen aar-goosi iyo sidi xaaladu isugu badali lahayd falal dad-qalnimo aan wanaag-lahayn si arinta lagula kacay ay u noqoto qoomamo,  waxaa laga wariyey rag ka mida xubnahaas la reebay hadalo goodin ah oo ka mida " sharaftayadi iyo umaddi na soo boqoratay ayaa meel looga dhacay ee casha dhawna waa la maqlin war kale."

Warka oo laga xigtay sarkaal sare oo ka mida ahaan jiray sirdoonki nabasugida magaciisa koodka waqtigaas la oran jiray dhiirane Dhicisow oo markaan la soo xariiray rag saaxibadiis hore jaalka shaqo la ahaa ayaa isagoo aan hadalkiisa xogta shaki galin sheegay in la maleegay dabin la doonaayo in lagu majaxaabiyo sadexda Jaalle ee ay ku naaneyseen" iLTre Kaabushiino" oo ay isla markaa ku sifeeyeen in dibiro awgeed suunki kala gooyey waa sida ay sheegeene waa Digtoor Gaas,Looyar Xoosh iyo digtoor Qoodax, waxaana warka sarkaalka u intaas raaciyey in sadexdaas oo ay markale ku tilmaameen "maqaar-saar u adeegta isticmaar"  ay sheegeen in ragaas si misaan la'aan ah hayb dhan afka u gambiyeen sidaa daraadeedna talo lagu gaaray in la siiyo cashar dadku ku sheekeyaan waayo dabadeed, laguna xukumay shaandheyn shakado rasaasa.

Xogta iyo macluumaatka la helay ayaa tilmaameysa in Rag u gaara hootada iyo shuqulada qor-gooyada isla markaana qoon halaagi ee dalka ka socday mudo dalaal ka ahaa ayaa maalmahaan qandaraas ay soo qaateen awgeed si qarsoodi ah kulan la qaateen kuwa dabley gaara aan dilka u kala eegin hooyo, caruur iyo waayeel-toona oo markaan la rabo in loo adeegsado wax-yeelada ragaas ay ula baxeen Kabuushiinada, waxaana la carabaabay in dhwr jeer la is ku diiday kharajka hawgalka mashruucaas laakiin ugu dambeysta sida u qiyaasay Adeegaha warkaan soo tabiyey in heshiiska lacagta sida muuqata dhawaan la gaari-doono.

Sheekada iyo warkaan markii la soo duuduubo waxa la hubsaday hindisaha khamaarka iyo sida ay socdaan ciyaarta lagu oogaayo hamiga jariimada la damacsanyahay " Rabi ha naga duwe" oo aan looga fadhin in ay tahay mid faaiido keeni karta, kheyrna laga macaashi-doonin .. waxaa lala socda dhubuq-dhubuqda farsamada abaabulka, soo hubeynta iyo iyado si gaara loo ogaaday Raga raba iney dhigaas gacanta la galaan sidaa awgeed ragaas ku haminaaya ha la bo'o balaayana ha dhacdo waxaa lagu wargalinayaa in falalka noocaas ah aan sinah loo aqbali-doonin, waxaana tolka ay ka tirsan-yihiin sadexdaas Nin ee horseedka u ah guusha maanta ka jirta dalka ay ku baaqayaan inaan qiirada qabiil lala fogaan oo wax laga barto qaladki shalay iyo taariikhda qoran ee jirta .. raga shirqolka wadoow sida aad wax u wadaan ku ay la go'i-doontana ama isla rogi-doonto lagama war qabo .. waxay beeluhu baaqooda ku gunaanadeen oo codsadeen in la is ammaan galyo, mana aqbali-doono ayey yiraahdeen inaad hadhow tiraahdaan Raga falkaas sameeyey nagama tirsana iyo waa kuwa beesha horay uga dhiloobay.

.