Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Muran Kharaar Oo Gacanta Laysula Tagay

Tuesday - August 21, 2012

Mogadisho: Sida ay xaqiijiyeen warar lagu kalsoonyahay oo nooga waramay shirki ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha ayaa tilmaamaya in shirkii looga hadlaayey soo celinta xildhibaanadi dhawaanti laga saaray liiskii ay soo gudbiyeen odayaal dhaqameedka oo la yiri uma qalmaan ka mid noqoshada xildhibaanada qaranka
 
Shiirka oo u ka qayb galay  madaweyne shariif oo u xilkiisi dhamaaday ayaa si adag ugu adkeysanaya in xubnihi laga saaray liiski la soo gudbiyey dib loogu celiyo, hasa ahaate mudane Gaas oo ah raiisal wasaarihi isaguna waqtigiisi dhamaaday ayaa dhinicisa diidan in xubnahaas dib loo soo celiyo, waxaana Mudane Gaas codeyntaas si adag ugu taageersan looyar Xoosh Jibriil oo si dadban ay hoos yimaadaan guduga xulista iyo hubinta.
 
Shirka doodihi ka dhacay waxaa isku gacan dhaafay oo isku feeri-lahaa wasiirka arimaha gudaha iyo wasiirka qorsheynta Mr. Qoodax .. mr. Qodax iyo Looyar Xoosh ayaa ah raga sida kulul u garab taagan Cabdiwali Gaas. 
 
 
eemogdisho ay inoo xaqiijiyeen ilo muhiim ah oo kusugan garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaa gudaha garoonka muddo saacado ah ka socda kulan u dhexeeya Madaxweynahii wakhtigiisu dhamaaday Shariif Sheekh Axmed iyo xubno uu kamid yahay Mahiga.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlaayaa sidii looga bixi lahaa xilliga KMG ah isla markaana loo sii ambaqaadi lahaa hawlaha taagan ee marxaladda kala guurka.

Xubnaha ka socda beesha caalamka ayaa waxay Shariif Sheekh Axmed kala hadleen arrimo ay ka yihiin qaabka ay u dhacaayaan doorashada iyo sida ay musharaxiinta uu Shariif kamid yahay uga qayb gelaayaan.

Ilo muhiim ah ayaa sheegaaya in xubnaha ka socda beesha caalamka ay Shariif Sheekh Axmed uga digeen diidmada uu diidan yahay qaabka loo soo xulay Baarlamaanka cusub, waxaana la sheegay in maanta loo jeediyey digniintii ugu dambeysay.

Shalay ayey ahayd markii lagu kala kacay kulan gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho lagu qabtay kulan lagu kala kacay kaasi oo dhexmaray Shariif iyo Mahiga.