Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Isbedalka Cimilada Oo Sababa Madax Xanuunka Dhan-Jafka : By Kamaal Axmed Cali

Tuesday - August 21, 2012

Dubai- Daraasad ay natiijadeedu dhowaan soo baxday ayaa daahfurtay in is-bedellada cimiladu ay dhiirigeliso madax xanuunka noociisa dhan jafka oo ah in madaxa qayb ka mid ahi ay si aad ah qofka u xanuunto. Khubaro ku xeel dheer arrimaha caafimaadka ayaa tijaabo ku sameeyey 66 ruux oo qaba dhan jaf muddo dheer hayayey, waxa ay muddo sannad ah si maalinle ah ula socdeen xaaladda bukaankan, waxaana u soo baxday in, tiro ka badan kala badh oo dadkan ka mid ah in ay xasaasiyad ku leeyihiin is bedelleda cimilada.
 
Khubaradu waxa ay sheegeen in heer kulka cimiladu ay ahayd sababta ugu badan ee dadkan ku keentay dhan-jafka, waxa aanay u badnaayeen kuwo maalmaha qabowga ah uu xanuunku ku sii badan yahay. Gwen Wang Xu oo ah khabiirad u dhalatay dalka Taiwan ayaa mar ay daraasaddan ka hadlaysay waxa hadalladeeda ka mid ahaa, "Daraasaddani waxa ay keentay markhaati cad oo muujinaya xiriirka ka dhexeeya xasaasiyadda heer-kulka uu qofku ku leeyahay iyo madax xanuunka" Khubaradu waxa ay sheegayaan in wax yaabaha kale ee kiciya madax xanuunka dhan-jafka ah ay ka mid yihiin, cuntooyinka, is bedellada hormoonnada, isku buuqa iyo diiqadda nafsiga ah, iftiinka xad dhaafka ah, codka dhawaqa dheer, urta aanu qofku hore u urin jirin ee aan caadiga ahayn, is bedellada dhinaca hurdada, daalka jireed iyo daawooyinka. Laakiin cimilada ayaa si gaar ah ugu jirta shanta shay ee ugu kicinta og madax xanuunka, sida uu sheegtay Dr. Shannon Babinio oo ku takhasustay madax xanuunka, kana tirsan kuliyadda caafimaadka ee Mount Sinai oo ku taalla magaalada New York.
Khubarada oo tafaasiil ka bixinaysa nooca cimilo ee madax xanuunka keeni karaa waxa ay sheegeen in dadka qaar ay xasaasiyad ku leeyihiin, kor-u-kaca ama hoos-u-dhaca ku yimaadda caabbiska hawada, roobka iyo qorraxda, waxa aanay ku taliyeen in dadka dhan-jafka lihi ay xilliga cimiladu kulashay iska ilaaliyaan fallaaraha qorraxda iyo in biyo aad u badan ay cabbaan.
Khubaradu waxa ay sheegeen in tan macnaheedu aanu ahayn in arrimaha aynu kor ku soo sheegnay ay iyagu sabab u yihiin bilowga xanuunka dhan-jafka iyo guud ahaan madax xanuunka, balse loo jeedo in ay yihiin sababaha kiciya xanuunka, waxa kale oo ay hoosta ka xariiqeen in ay suurtogal tahay in dadka qaar aanay arrimaha aynu kor ku soo xusnay ku kicin dhan jafka, sidaa awgeed ay muhiim tahay in uu qofku ogaado bal in wax yaabahaa aynu soo xusnay uu xasaasiyad ku leeyahay, si uu uga taxaddaro.
Talada ugu dambaysa ee ay khubarada caafimaadku siinayaan dadka dhan-jafka lihina waxa ay tahay in ay ku habeenkii helaan hurdo ku filan, in ay saddex waqti maalintii cunteeyaan iyo in cabbaan biyo ku filan.