Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Mogdisho Oo Laga Daremaayo Diyaar-garowga Kulan Ay Maanta Yeelanayaan Xildhibaanada Barlamaanka Som.

Monday - August 20, 2012

Xigasho Hiiraan: Iyadoo maanta ay ku eg-tahay xilliga DKMG ah ee Soomaaliya ayaa waxaa magaalada Muqdisho laga dareemayaa qabanqaabada kulankii ugu horreeyay oo ay yeelanayaan xidlhibaannada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo isla maanta la dhaafin doono guddoomiye KMG ah dhexdooda ka xulanaya.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay iyadoo kulanka xidhibaannada ee lagu wado inuu maanta qabsoomo ay ka qayb-galaan xubno ka socda beesha caalamka iyo guddiga farasamo ee xulista baarlamaanka.

Mas'uuliyiinta guddiga farsamada ayaa sheegay in kaararka aqoonsiga ay siiyeen 215 xildhibaan kuwaasoo ka qaybgalaya kulanka ugu horreeya ee ay yeelanayaan, waxayna xuseen in maalmaha soo socda la dhameystirayo tirada xildhibaannada oo ah 275-xubnood.

Wararka hoose ee la helayo ayaa waxay sheegayaan in lagu wado in guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka loo doorto xildhibaanka ugu da'da weyn oo la sheegay in loo maleynayo inuu noqdo jeneraal 73-jir ah oo ka mid ah xidlhibaannada cusub ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannadan ayaa waxay go'aan ka gaari doonaan xilliga ay dhacayaan doorashooyinka madaxweynaha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa, iyadoo aan la ogeyn xilliga ay noqon doonto.

Beesha calaamka ayaa waxay doonayaan in doorashada madaxweynaha ay maanta dhacdo si loosoo gabgabeeyo xilliga KMG ah ee Soomaaliya, inkastoo aan rajo weyn laga qabin in doorashada madaxweynuhu ay maanta dhacdo.

Kulanka baarlamaanka cusub ayaa ka dhacaya xarunta gaadiidka booliiska oo ahayd halkii lagu ansixiyay dastuurka cusub ee Soomaaliya, iyadoo kulankaas ay goobjoog ka noqon doonaan madaxweynaha Soomaaliya, ra'iisul wasaaraha iyo guddoomiyihii baarlmaankii KMG ahaa oo dhammaantood ah murashaxiinta u taagan doorashada madaxnimo ee Soomaaliya.