Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Haweyney Shaacisay In Ay Ka Qayb Galeyso Doorashada Madaxtinimada Somaaliya Oo Mogdisho Ku Sii Jeeda

Monday - July 23, 2012

Helsink- Amaal Cabdi Ibraahim oo ka soo dhooftay Magaalada  Muqdisho 20-sanno ka hor iyada oo markaas jirtay 17-sano ayey ku sheegtay wargeysi ay siisay wargeysyada Helsink ee ka soo baxa dalka Finland  in ay ka qaybgalayso doorashada madaxnimo ee Soomaaliya, iyada oo ballan qaaday  in ay horumarin doono adeegyada waxbarashada, caafimaadka iyo daryeelka haweenka iyo caruurta.

Waxa ay haweenaydani sheegtay in ay dhawaan u socdaali-doonto Soomaaliya ka hor inta aan la qaban doorashada dhici doonta bisha August.

"Qalbigeyga waxaa ka buuxa murug, waxaan doonayaa in aan Soomaaliya ka bedelo muuqaalkii ay muddada dheer kusoo jirtay, ayay tiri Amaal

Inta badan murashaxiinta u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya ayaa ahaa qaar  dalka dibeddiisa muddo dheer ku noolaa, iyada oo Amaal ay noqonayso haweeneydii ugu horreysay oo si rasmi ah ugu dhawaaqda in ay tahay murashaxad ka qaybgalaysa doorashada madaxnimo ee Soomaaliya.

"Waxaan halkan (Finland) ka bartay shaqo, musuqmaasuq la'aan iyo wadan jacayl," ayay tiri Amaal oo ah hooyo leh shan caruur ah leh .