Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Shiikhi Beesha Leelkase U Boqranaa Ugaas Maxamuud Oo Ka Wac-siiyey Xubnihi Ergada Dastuurka Uga ..

Saturday - July 21, 2012

Goldogob Times -Mogadisho: Golaha Hogaanka isimada tolka Tanade/Leelkase oo u horkacayo Ugaas Maxamuud Ugaas Axmed Ugaas Maxamed iyagoo ka amba-qaadaya murtida oraneysa in hadeysan Ergo iyo xildhibaano aysan lahayn Shiikh iyo Ugaas ma aha kuwa sharciba haysta isla markaa iyagoo tixgaliyey hogaan-kooda hirashada leh iyo xaq soorkooda danta guud kuna saleysan in xaajada maanta ka socota Somaaliya loo magacaabo Rag wax Xalin-kara awoodna u leh falkinta cilmiga siyaasada la xariirta sharciyada dastuurka la doonaayo in lagu dhaqo Umadda Somaaliyeed .. isimada oo sida ay sheegeen beeshooda iyo naftoodaba ku wargaliyey iney rabaan wanaaga dalka iyo hawlaha sanba waxay sheegen iney markasta diyar u yihiin iney qof walba oo saluugsan liiskaan xulka ergada illa xad ku qancyaan hadalo asluubeysan laaiiq ku ah sharafka baniaadnimo 

Sidaas oo ay tahay ayey maanta golihi hogaanka ooftoodi si rasmi ah uga soo dilaacday iyadoon xulka cidna ku khasbin soo saareen liiskii xubnaha ergada beesha leelkase uga qayb galeysa golaha lagu anshixinaayo dastuurka mustaqbal ahaan Lagu dhaqi-doono Umada Somaaliyeed.

Liiski Oo Ay Ku Qoranyihiin Magacyadi Ergada Beesha Waa Kan Ee Akhriso

1- Suldaan  Maxamed Jaamac Shire

2- Maxamed Cali Xaashi Maxamuud 

3- Cabdi-shakuur Aadan Maxamuud

4-Inj. Cabdi Tahliil C/raxmaan

5- Cabdicasiis Bashiir Qoslaaye

6- Daahir Maxamuud Muuse

7- Maxamed Daahir Faarax ( Shimbir)

8- Cabdiraxmaan Maxamuud Cali

9-Qaasim Axmed Nuur

10- Amb. Maxamed Jaamac (MMJ)

11- Axmed Saciid Yuusuf

12- Ayaan Aadan Xareed

13- Deeqo Cali Fujaan

14- Qaali Nuur Dirir 

15- Nombarka 15-aad weli nama soo gaarin magaciisa