Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Fananada Saado Cali Warsame Oo Ku Dhacantay Shil Baabuur Iyo Warar Iskhilaafsan Oo Ka Soo Baxay

Friday - July 20, 2012

Galdogob Times-Garoowe- Fanaanada Saado Cali Warsame ayaa ku dhawacantay shil baabuur oo ka dhacay Magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland, inkastoo ay soo baxayaan warar kala duwani , iyada oo la dhigay  cisbitaal ku yaalla Magaaladaas.

Fanaanada ayaa la sheegay in ay ka soo degtay  garoonka diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo, waxaana  uu shilka galay gaarigii ay la socotay  ka dib markii duqeeyay baabuur nooca loo yaqaano Candho-mayd laha.

Waxa kale la sheegay in ay halkaas ku geeriyoodeen nin weriye ahaa oo u shaqaynayay shabakeda Taleex.net Maxamed  Cali  Cilmi  iyo askari ilaalo u ahaa wasiir ku xigeenka maaliyada Puntland. hasa ahaate warka ayaa loo badinaaya in Saado cali ay gacan ka jabtay

Saado Cali Warsamed ayaa ka mid  ahayd hoboladii Waaberi, waxaana ay fanka ku biirtay horaantii 1970-yadii ,iyada oo aad looga jecelyahay dhulka Soomaalida oo dhan.