Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Somaali Laga Soo Musaafirinaayo Dalka Ugaandha

Thursday - July 19, 2012

Galdogob Times-Wararka ka imaanaya magaalada Kampala ee xarunta dalka Ugandha ayaa waxay sheegayaan in 15-ruux oo dhammaantood Soomaali ah, waxana ku jira wariye ka tirsan Wargeyska ka tirsan saxaafadda ka hawl gasha magaalada Muqdisho oo lagu wado in laga soo musaafuriyo dalkaas ka dib markii ay dowladda Ugandha sheegtay inay qabatay dadkaasi iyagoo si sharci-darro ah ku galayey dalka Kenya, iyadoo la sheegay in wariyaha ka tirsan wargeysyada Muqdisha ka soo baxa oo uu u socday Siminaar ama (Work Shop) lagu casuumay.

Sida warku sheegayo dowladda Ugandha ayaa shalay ku dhawaaqday inay dalkeeda ka masaafurineyso 15-qof oo Soomaali ah, kuwaasoo ay ku eedaysay inay si sharci-darro ah ku geli rabeen dalka Kenya, iyagoo ka tagay magaalada Kampala, ayna ku soo celisay magaalada Kampala, baaritaano ay ku sameysayna ay ku ogaatay inay ku safrayeen sida ay tiri sharci-daro.

Dadka la masaafurinayo ayaa dhawaan laga qabtay caasimadda labaad ee dalka Ugandha oo lagu magacaabo Jinja, iyagoo ku sii jeeda Kenya, waxaana lagu helay sida ay dowladda Ugandha ku doodeyso inay si sharci-darro ah ku safrayeen, ayna doonayeen inay dalkeeda uga sii talaabaan dalka Kenya.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Uganda Xuseen Abuukar Xasan ayaa sheegay in hay’adaha amniga ay markii hore dadkan ku tuhmeen inay xiriir la leeyihiin waxa ay ugu yeereen argagixisada, balse baaritaan ka dib la ogaaday inay yihiin dad rayid ah oo ay kooxo maqalasiin ah qaab sharci-darro ah ku gelin rabay dalka Kenya, waxayna dadkaasi ka tageen markii hore magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.