Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Vitamin Ku Jira Caanaha Oo La Xaqiijiyey In Uu Leeyahay Faaiidooyin Badan Oo Caafimaad By Kamal Axme

Wednesday - July 18, 2012

Galdogob Times-USA- Daraasad cusub oo ay sameeyeen cilmi baarayaal ka kala socday kuliyadda Weill Cornell ee dalka Maraykanka iyo kuliyadda Sayniska ee magaalada Lausanne caasimadda dalka Switzerland ayaa lagu ogaaday nooc cusub oo ka mid ah Faytamiinka loo yaqaanno Vitamin B3 in uu ku jiro caanaha, kaas oo faa’ido muuqata u leh jirka qofka caanaha badan cabba. Khubaradu waxa ay sheegeen in Faytamiinkani uu weyneeyo xaddiga shaqo wanaag ee muruqyada isla markaana uu wanaajiyo hab isticmaalka jirka ee tamarta, waxa kale oo uu Faytamiinkani ka hortagaa in uu qofka ku dhaco macaan. Dr. Anthony Suef oo ah bare sare oo ku xeel dheer cilmiga daawooyinka ayaa sheegay in daraasaddani ay muujinayso in Vitamin ka laga helo caanuhu uu qofka siiyo faa’idooyin caafimaad oo la mid ta laga helo jimicsiga
.
Sida ay baahisay shabakadda wararka ee Sharqal Aawsat Dr. Suef waxa uu intaas ku sii daray in faa’idooyinka laga helo faytamiinkan caanaha laga helaa aanay intaa ku koobnayn balse ay sidoo kale ka mid yihiin in uu ka hortago xanuunnada iyo xaaladaha gabowga keena, cudurka kansarka iyo khalkhalka ku dhaca hab-dhiska neerfayaasha.
Daraasado hore ayaa muujiyey in caanuhu aanay kordhin miisaanka iyo in koob caano ah oo la cabbo hurdada ka hor uu keeno in qofku uu hurdo xasiloon seexdo habeenkii. Waxaa intaasba sii dheer in caanuhu ay u fiican yihiin caafimaadka lafaha iyo in ay kor u qaadaan xaddiga maadadda Kalshiyaamta ee uu qofku u baahan yahay.