Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Meles Zenawi Oo La Ogaaday Inu Jirro Awgeed Uga Qaybgali-waayey Shirki Midawga Afrika

Tuesday - July 17, 2012

Addis Ababa)- Raysal-wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi, oo ka baaqsaday axadii furitaanka shirkii Midowga Afrika oo dalkiisa ka dhacayey ayaa la sheegay inay sii kordhisay saadaalo laga bixinayey xaaladiisa caafimaad inaanay wacnayn, sida ay baahisay AP.
Ugu yaraan ilaa labaatan hogaamiye Afrikaan ayaa ku kulmay Addis Ababa, balse, Melez Zenawi ayaan kulankaa iman, markii ugu horeysay ilaa xilliguu qabtay xilka sannadkii 1991.
 
Raysal-wasaare Meles ayaa la filayey inuu furo kulan loo qabtay  (NEPAD) sabtidii, laakiin Madaxweynaha Senigaal, Macky Sall oo booskiisa furay kulankaa, ayaa sheegay in Melez u suutroobi weyday imaatinka sababo caafimaad awgood, una rajeeyey caafimaad qab.
Muuqaalkii ugu danbeeyey ee raysal-wasaare Melez oo telefishanka Itoobiya baahiyey ayuu u muuqday mid caatoobay, iyadoo dhinaca kale baraha mucaaradku sheegeen in Melez laga daweynayo xanuun halis ah.
Xukuumada Itoobiya ayaan wax macluumaad ah ka soo saarin xaalada Melez.
Meles ayaa sannadkii 2010 ballanqaaday inuu xilka ka degi doono 2015-ka, taasoo Hailemariam
Desalegn loo magacaabay ku-xigeenka raysal-wasaaraha iyo wasiirka Arrimaha Dibedda.