Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Mid Ka Mida Wasiiradi Xukumadi Farmaajo Oo Ku Geeriyooday Qarax Ka Dhacay Mogdisho

Tuesday - July 17, 2012

Galdogob Times - Mogadisho- Wasiirkii hore Ganacsiga ee xukuumadii Farmaajo Maxamuud Cabdi Ibraahim Garweyne ayaa goor dhoweyd ku geeriyooday qarax gaarigiisa loo geliyay, iyadoo markii hore warar kala duwan ka soo baxayeen oo ahaa in qaraxa ahaa mid ismiidaamin ah.

Qaraxa ayaa ahaa mid loo geliyay kursiga uu ku fadhiyay Xildhibaan Maxamuud Cabdi Garweyne, iyadoo jirkiisa qeybo badan uu go’ go’ay sida dad goob joogayaal inoo sheegeen.

Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in qaraxa ahaa mid nuuciisa aanay horay u arag, isla markaana gaariga loogu xiray Wasiirkii hore ganacsiga Maxamuud Cabdi Garweyne.

ilaa saddex kale oo ilaaladiisa ay ahaayeen ayaa dhaawacyo ka soo gaareen qaraxa ka dhashay gaarigiisa, iyadoo loo qaaday isbitaalka.

Ciidamada dowladda ayaa wada howl galo baaritaan oo ku aadan qaabka qaraxa u dhacay oo ahaa mid noociisa aan horay loo arag.

War goor dhow ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegtay in qaraxaas ay ku dileen mid ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka, isla markaana horay wasiir u soo noqday, laakiin dad bada ayaa warkoodaas shaki galiyey oo qaba in hadda ma daama ay noqodeen ku awoodi ka yaraatay ay door bidayaan in wax kasta oo falal dhaca ay iyagu iska sheektaan, waxaase dhici-karta ayey yirahdeen in arin la xariirta xaga siyaasada awgeed u ku baxay

Dr. Maxamuud Cabdi Ibraahim Garweyne ayaa horay xukuumadihii Farmaajo iyo xukuumadii Cumar C/rashiid wasiir ka soo noqday, iyadoo uu ka mid ahaa Isbaheysigii dib u xoreynta ee Asmara lagu soo dhisay, markii dambena Jabuuti garabkii Shiikh Shariif hogaaminayay dowlad midnimo qaran lagu soo dhisay.