Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Waaxda Baaritaanka UN-ka Oo Madaxda Somaalida Ku Eedeysay Xoolo Ay Xantoobsadeen Oo Dhan131 Milyan $

Sunday - July 15, 2012

Galdogob Times - Muqdisho – kooxda baaritaanka Qaramada midoobay ayaa masuuliyiinta Dawlada ku meel-gaarka ah ee Somaliya iyo Madaxwaynaha Maamul goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ku eedeeyay inay lunsadeen Malaayiin doolar oo Somalida ay ugu deeqeen wadamada dibadu.

War-bixin dheer oo waaxda baaritaanka Musuqmaasuqa Qaranada midoobay maanta soo saareen ayaa lagu sheegay in Madaxda kala aha Madaxwayne Sheekh Shariif, Shariif Xasan Sheekh Aaden, Raysal-wasaare Gaas iyo Madaxwayne Faroole lunsadeen 131 Milyan oo doolar

Guddoomiyaha baarlamaanka Somaliya Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa war-bixintu sheegtay in wakhtigii uu ahaa wasiirka Maaliyadda xukuumaddii Cabdirashiid Cali Sharmaarke uu ka qayb-galay lacag 3 milyan ah oo madaxda Somaliya qayb-sadeen ka dib markii ay bixisay dawlada Cumaan., iyaddoo sidoo kale war-bixintu xaqiijisay in Shariif Xasan lacag $ 1 Milyan doolar ka qaatay shirkadda SKA oo maamusha Madaarka diyaaradaha Muqdisho, iyaddoo sidoo kale sheegtay inuu dawlada Suudaan uu la galay heshiis iskii ah oo lagu soo daabacayo lacag Shilin Somali ah.

War-bixintu waxa kale oo ay sheegtay in Madaxwayne Sheekh Shariif iyo Afayeenka Baarlamaanka Somaliya qaybsadeen lacag lagu qadaray $3 milyan oo dawlada Cumaan ugu tallo-gashay in lagu horumariyo hay’adaha amaanka Somaliya.
 
War-bixintu waxa kale oo ay sheegtay in Madaxwayne Faroole uu hub sharci daro ah soo galiyey deegaanada maamulka Puntland ee uu ka taliyo, taasi oo kooxda war-bixintan soo saartay ay sheegtay inay ka soo horjeedo cunaqabatayntii hubka Somaliya.

War-bixintan ayaa sidoo kale lagu sheegay in Raysal-wasaare Gaas iyo Raysal-wasaarihii hore ee Somaliya Farmaajo qayb ka yihiin Musuqmaasuqan