Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Madaxweynaha Masar Mr. Mursi Oo La Shaaciyey Inu Booqanayo Wiigaan Caasimada Itoobiya

Saturday - July 14, 2012

Cairo - Wafti Balaaran Hogaaminaaya Madaxwaynaha cusub ee Dalka Masar  Mohamed Morsi Ayaa  Booqasho aan Lasiishaacin Ku Tagaaya Wiigan Caasimada Dalka  Ay Xurgufta siyaasadeed Ka dhaxayso Ee Itoobiya,Sida ay qortay jariirada kasoo baxda dalka masar eeAl Ahram  waxa lagu sheegay safaa waftigan u hogaaminaayo Madaxwaynaha cusub ee Dalka Masar  Mohamed Morsi inuu kaga qayb galaayo shirwaynaha uga furmaaya caasimada dalka Itoobiya ee Addis Ababa ururka Midoga Africa.

Waftigan Balaaran  uu hogaaminaayo Madaxwaynaha cusub ee Dalka Masar  Mohamed Morsi booqashada ku tagaaya dalka Itoobiya ayaa waxa ay imanaysaa kadib markii uu safar booqasho ah kaga soo laabtay dalka Suadi Arabiya Arbacadii lasoo Dhaafay.

Dhanka kale booqashada Madaxwaynaha cusub ee Dalka Masar  Mohamed Morsi ayaa waxa ay ka dhigaysaa madaxwaynii ugu horeeyey ee taga dalka Itoobiya casimadiisa Addis Ababa ilaa iyo 19995kii shirqoolkii dhagaraysana ee lagu doonaayey in lagu qaarajiyo madaxwaynihii hore ee dalka Masar Hosni Mubaarik.

Laga soo bilaabo 1995kii markii uu ka baxsaday shirkii loodhigay Hosni Mubaarik Caasimada Dalka gaar ahaana Madaarka caalamigaa ee Boli Itoobiya kama uusan qayb galin shirdanbe oo ka dhacaya dalka Itoobiya Madaxwaynihii hore ee dalka Masar Hosni Mubaarik taasina waxay keentay inay labadal ay aad u kala fogadaan xaga siyaasada walow ay cilaaqaad lahaayeen.

 Itoobiya iyo Masar ayaa iyagu waxa ay aad isugu hayaa Biyaha Wabiga Niilka kaas oo ka soo bilowa dalka Itoobiya taasina waxa ay keentay inay labada dal ku hirdimaan siyaasada Somalia laga soo bilaabo 19960kii sikastaba ha ahaatee waxa aan lagaranayn waxa uu siyaasadii  hore Dalka Masar ka badalaayo madaxwaynaha Cusub ee dalka Masar Mohamed Morsi
 
                                                       Galdogob Times News Desk.