Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Masar Oo Lagaga Dhawaaqay Koox Diimeed La Magac Baxday Ikhwaanul Masiixiyin

Monday - July 9, 2012

Galdogob Times News Desk- Qahira – Waxa maalintii shalay dalka Masar lagaga dhawaaqay koox diimeed cusub oo lagu magac daray, Ikhwaanu Masiixiyiin, taas oo sida ka muuqata ah, mid looga dan leeyahay sidii ay ula tartami lahayd magac ahaan iyo koox ahaanba kooxda caanka ka ah dalkaas iyo dunida inteeda kale ee Ikhwaanul Muslimiin.

Warbaahinta dalka Masar oo arrintan si wayn wax uga qortay ayaa aragtiyo iyo faalooyin kala duwan, ka bixisay ku dhawaaqista kooxdan, waxaanay warbaahinta qaar badan oo ka mid ahi ku tilmaameen, jawaab celintii ugu horaysay uguna codka dheerayd ee guusha madaxweynaha dhawaan loo doortay dalka Masar Dr. Maxamed Murzi oo isagu ka soo jeeda kooxda Ikhwaanul Muslimiin.

Kooxdan oo ay aasaaseen Qibdiyiinta dalka Masar, waxa sida warbaahintu sheegtay ugu cad cad, kana mid ah, xubnaha ku dhawaaqay, Michel Fahmy oo ka mid ah, baadariyada kaniisada Qibdiyiinta, waxa kale oo xoghaya ururkan loo doortay, nin arrimaha xuquuqda aadamaha ee dalka Masar ka shaqeeya oo lagu magacaabo, Mamduux Nakhla, halka rag kala duwan oo ka mid ah, siyaasiyiinta iyo aqoon yahanada kiristaanka Masar ka dhex muuqdeen aasaasayaasha kooxdan.

Michel Fahmy oo ka hadlay sababta ku dhalisay iyo ujeedada ka danbaysa, ayaa sheegay in aragti ahaan figradan ay qabeen ilaa wakhti dheer, wakhti xaadirkana ay noqotay mid aan laga maarmi karin, oo daruuri ah, wakhtigeedina la gaaray.

Michel waxa kale oo uu ka hadlay balaadhin lagu samaynayo iyo shirwayne guud oo loo qabanayo, waxaanu xusay in lix iyo toban gobol oo Masar ah ay ka furan doonaan, xarumo uruka Ikhwaanu Masiixiyiin leeyahay, waxa kale oo uu sheegay in sadex waddan oo carbeed ay laamo ku yeelan doonaan, sidoo kale meelaha ay laamaha ka furanayaan, waxa ka mid ah ayuu yidhi, Australia iyo qaarada Yurub.

Michel Fahmy waxa uu si wayn uga hadlay, baahida masiixiyiinta Masar gaar ahaan qibdiyiintu u qabaan inay yeeshaan urur noocan oo kale ah, sidoo kale waxa uu sheegay sida ay Qibdiyiintu wakhtigan ugu bislaadeen inay shuruucda diintoodu farayso ay ku dhaqmaan, waxaanu isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Dhabb ahaantii waxa la gaadhay wakhtigii Qibdiyiinta Masar, Diinta isku xukumi lahaayeen, wakhti maanta in ay urur ikhwaanu Masiixiyiin ah yeeshaan uga bisil yihiina muu soo marin taariikhda.”

Mid ka mid ah hogaamiyayaasha Qibdiyiinta Masar oo lagu magacaabo, Amir Ayyad oo isagu si ka faahfaahsan xubnaha kale uga hadlay ayaa sheegay in sababta ku dhawaaqista ururkan keentay tahay, mid ka dhalatay, talada dalka Masar ee uu ku guulaystay Dr. Maxamed Murzi oo ka tirsan ururka Ikhwaanu Muslimiin, taas oo sida uu ku doodayo dawladii rayidka ahayd u badashay xukuumad diini ah, sidaa awgeed ay ka hawl gali doonaan isku xidhka iyo midaynta dadka Masiixiyiinta ah.

Waxa kale oo uu ninkani sheegay in ururkoodu yahay, mid siyaasadeed, kana hawl galaya arrimaha bulshada, isla markaana ka shaqayn doono sidii ay talada dalka u hanan lahaayeen, waxa kale oo uu xusay in ay ka hawl gali doonaan, sidii dadka Qibdiyiinta Masar ay saamigooda ugu soo dhicin lahaayeen, haday tahay siyaasada iyo haday tahay dhinacyada horumarka, iyagoo u maraya waddooyinka sharci ee uga furan arrimahaas.