Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Macamar AL- Qadaafi : Kuligeen Daldalaad Aan Dacwad Lahayn Ayaa Nagu Soo Socota Sidii Sadaame

Saturday - March 29, 2008

Dimashaq ( goobta shirka)  Madaxweynaha Liibiya Mucamar AL-qadaafi oo khudbad xasaasi ah ka jeediyey shirkii madaxweynayaasha iyo boqorada jaamacada carabta ee ka dhacay magaalada dimashaq bishaan 28eedi, waxuu aad ugu dheeraaday sharaxaadna ka bixiyey xaalada murugeysan saluugsan ee dunida carabta maanta ka jirta iyo sida kaalinti carbeed caalamka uga baxday.