Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Daahir Aweys

Monday - June 4, 2012

Somaliland iyo Wadamada Geeska Afrika oo Khatar ugu jira Dagaalyahanada Al-shabaab ee ka soo Firxanaya Somaliya Muqdisho oo ay Madaafiicdii is-Macasalaameeyeen iyo ciidamada Huwanta ah oo Baafinaya deegaaamada ay Al-shabaab ku hadhay Muqdisho(Waaheen)-Inta badan Goboladda Somaliya ee koonfurta iyo Badhtamaha ayaa laga sifeeyay xogaaga Al-shabaab ee dagaalka kula jiray dawlada, kuwaasoo lagu soo waramayo inay ku sii hadheen deegaano kooban oo kaliya, hase ahaatee lagala wareegay meelihii ay awooda ugu badan ku lahaayeen ee dalkaasi. Guulaha laga Gaadhay Ururka Al-shabaab ee lagagala wareegay deegaamadii ay ka talin jireen ayaa ka dambeeyay hawl-galo isdaba joog ahaa oo lagu waajahay Fadhiisimadii ururkaasi, hawl-galadaasoo ahaa weeraro wajiyo badan kaga yimi oo ay ku qaadeen Ciidamada Huwanta ah ee DKM, kuwa Amisom iyo maleeshiyaadka Urur diineedka Ehlu suna wal-jameeca, kuwaasoo ilaa hada ku sii siqaya meelaha ay al-shabaab ku sii sugantahay. Hawl-galada ka dhanka ah Ururka Al-shabaab hadii ay sidaasi ku sii socdaan waxa muuqata in dhawaan laga faraxalanayo Dagaaladii ay mudada dheer kula jireen Ciidamada Dawlada taageersan ee Ajaanibka ah iyo kuwa Muxaliga ahba, taasoo guul wax ku ool ah u noqoqnaysa shacbiga somaliyeed ee 21-kii sanadood ee la soo dhaafay weheshanayay Dagaaladia Ehliga iyo aragtiyaha siyaasadeed ku salaysnaa ee dalkaasi ka jiray. Hadiise sida wax u socdaan ay habacsanaan kale soo waajahdo, waxa iman karta guul daro dambe oo ku dhacda xogaaga hawl-galka ka wada somaliya iyo ciidamada DKM , kuwaasoo dhawrkii todobaad ee ugu dambeeyay gaadhay guulo wax ku oola, balse aanay wali fari ka qodnayn shaqadii loogu talo galay inay fuliyaan oo ah inay nabad iyo kala dambeyn waarta ku soo celiyaan gobolada Somaliya 21 sandood ka dib. Goboladda intoodii badnayd laga qabsaday Ururka al-shabaab waxa ka mida Gobolka Banaadir, Geddo, Sh/ dhexe, Bay, Bakool , jubbadda hoose iyo meelo kale oo ka mida Goboladda koonfurta, kuwaasoo qaarkood ay iskaga carareen Xoogaga al-shabaab ka dib markii lagu ekeeyay awood ciidan oo ka itaal roon, waxaanay door bideen inay iskaga baxaan Meel kasta oo loogu yimaado, isla markaana ka baxsadaan khasaare dagaal oo ciidan kaga dhinto. Ka sakow Baxsashada Ururka Al-shabaab, waxa soo baxday in Askartoodii ay hada bilaabeen inay isu soo dhiibaan Ciidamada Dawlada ku meel gaadhka ah ee Somaliya, kuwaasoo ay shalay u soo galeen rag ka tirsanaa dagaalyahanada Ururka al-shabaab oo wata Qoryihii ay ku dagaalamayeen iyo Gaadiid Dagaal. Sida uu Warbaahinta u sheegay Afhayeenka dowladda KMG Soomaaliya ee gobolka Gedo Aadan Xersi Rufle, kaasoo cadeeyay in dagaalyahanada ka soo goostay Al-shabaab oo gaadhaya ilaa shan nin oo watay qoro gacmeedyo iyo gaadhi Cabdi Bile ah oo uu saaran yahay qori weyn oo dhasiike ah, gacantooda ku jiraan. “Raggaas ka soo goostay Al-shabaab waxay ka soo baxeen degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose waxay soo mareen meelo badan sida Diinsoor, iyo meel u dhexeysa Buur dhuubo iyo Baardhere Garbaharey ayey yimaadeen ka dibna Belad xaawo ayaa loo gudbiyey” ayuu yidhi Aadan Xersi Rufle. Dhinaca kale gaashaan-buurta dagaalka kula jirta xarakada alshabaab waxay u hanqal taagayaan sidii ay u qabsan lahaayeen Magaalada kismaayo oo hada xudun u ah Awooda Ciidan iyo Istaraatiijiyadeed dagaal ee Alshabaab “Hadda fadhi nooma yaal, waxaanu ku wajahan-nahay Xagar, Jilib, Bu’aale, Buulo-xaaji illaa Kismaayo… intaan halkaas ka gaadheyno howlgalka waa soconayaa,”sidaasi waxa yidhi Hogaamiyaha maleeshiyada Raaskaabooni oo ka mida kooxaha ka barbar dagaalamaya Ciidamada DKM iyo AMISOM Sheekh Axmed Madoobe . Lama saadaalin karo mustaqbalka Dagaalka ka dhanka Al-shabaab halka uu ku dambeyn doono, waxaanse muran ka joogin in si buuxda loo wiiqay Tamartii ururkaasi ee gudaha somaliya, wallow ay meelo badan wali ka sii talinayaan, Waxaana soo baxaya su’aal la is-waydiinayo oo ah meesha ay u baxsan doonaan Askarta al-shaabab hadii laga qabsado meelaha gacantooda wali baaqiga ku sii ah. Su’aashan oo isweydiinteedu soo baxday usbuucyadii ugu dambeeyay ayaanay jirin cid si fudud uga jawaabi kartaa, waxaase aad loo malo awaalayaa inay jiraan deegaamo badan oo ay kooxdaasi ku baxsan karto, kuwaasoo qaarkood ku yaalaan gudaha Somaliya, qaarna ka baxsan yihiin, sida Puntland oo iminkaba meelo ka mida Gobolka Bari lagu ogyahay inay joogaan xoogag awood badan leh oo taabacsan Al-shabaab. Dhinaca kale Somaliland ayaa la fili karaa inay Firxadka Alshabaab u soo cararaan, taasoo xuduud mushkilado badan la leh Somaliya, isla markaana si joogto ah ay isaga gooshaan dadka Somalidu goboladeed iyo kuwa koonfurta ee ay hada alshaabab ka yaacayso, inkasta oo ay jiraan ciidamo u tababaran sugida amniga iyo ka hortaga dadka ay jidhkooda ka muuqato Jabhadnimadu ee dalka soo gelaya , kuwaasoo dhawr jeer oo hore fashilay isku dayo badan oo nabad gelyada dalka lidi ku ahaa. Si kastaba ha ahaatee Xukuumadda Somaliland iyo guud ahaanba wadamada Gobolka ee xuduuda ay wadaagaan Somaliya ayaa xiligan u muuqda kuwa halis u ah inay nafta kula soo gabadaan dagaalyahanada Al-shabaab, waxaana waajib ku ah inay foojignaan dheeraad ah ka muujiyaan sidii ay shacbigooda uga badbaadin lahaayeen dhibaatada ka soo bu’aysa firxadka Ururkii Al-shabaab ee Muqdisho Madaafiicda ku garaaci jiray madaxtooyada oo hada la baafinayo meelaha ay kaga hadheen Somaliya, kuwaasoo hadii aan laga gaashaaman falal naf la caaridnimo ku jirto dalalkaasi ka fulin kara.