Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

ddgfbh

Wednesday - May 30, 2012

Pakistaan Oo Qirtay Inuu Xog Ka Waayay Xaasaskii Usaama Iyo Kalgacalka Ay Weli U Hayaan Saygoodii Geeriyooday Oo Ka Yaabiyey Karaaji (Ramaas) May 30,2012 – Sarkaal ka tirsan sirdoonka dalka Pakistan oo ka mid ahaa raggii qaabilsanaa baadhista iyo wareysiga xaasaskii uu ka tagay Usaama Bin Laden ayaa qiray in muddo bil ah oo ay wareysi iyo maraan-mar ay ku wadeen dumarkaas aanay ka helin wax macluumaad ah oo muhiim ah. Sarkaalkani waxa uu sheegay in dumarkan si cad looga dareemayey jaceylka ay u qabaan saygooda dhintay oo ay dhammaantood si qiiro-kagacal ka muuqato uga hadlayeen Usaama. Sarkaalkani waxa uu sheegay in xaaska ugu yar oo ah Amal Saadah oo u dhalay dalka Yemen inay tahay gabadh Madax adag oo cadho ku qaabilaysa su’aal kasta oo la waydiiyo, halka xaasaska kale inta badan marka su’aal la waydiiyo ay ku koobnaayeen inay ka aamusaan uun. Usaama oo bishii May ee sanadkii 2011-kii lagu dilay guri ku yaalla Pakistaan ayuu sirdoonka dalkaasi ku dhigay saddex xaas oo uu ka tagey iyo qaar ka mid ah carruurtiisa. 11-bilood ka dibna maxkamad ku taala dalka Pakistaan ayaa xaasaskan ku xukuntay in la xidho 45 maalmood oo ah dambiga joogitaankoodii Pakistaa ee bilaa sharciga ahaa, ka dibna waxa loo mastaafuriyey dalka Sucuudiga oo ay qoysas reer Bin Laden ahi Jinsiyad ka haystaan, dhaqaale buurana ku haystaan.