Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Xarumihi Al-Shabaab Ay Ku Lahaayd Kisimaayo Oo Lagu Garaacay Sawaariikh Iyo Gantaalo Waabaayo Leh

Tuesday - May 29, 2012

Kismaayo – Maraakiibta dagaalka ee dawlada Kenya oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa xeebta Magaaladda Kismaayo ee dalka Somaliya ayaa maanta madaafiic ku garaacay gudaha Magaaladaasi.

Maraakiibtan oo tiradooda lagu sheegay ilaa shan Markab oo kuwa dagaalka ah oo ilaalo ka hayey xeebta si aanay dagaalyahanada Al-shabaab halkaasi uga baxsan ayaa madaafiic faro badan ku garaacay Kismaayo, ka dib markii ciidamo Al-shabaab ka tirsani ay markii hore dhowr gantaal ku tureen.

Madaafiicdan Maraakiibta Kenya ku garaaceen Magaaladda Kismaayo ayaa geystay khasaare laxaadle, iyadda oo wararka halkaasi ka imanaya sheegayaan inay ku dhaawacmeen Wiil iyo hooyadii ka dib markii madfac ku dhacay gurigooda oo ay wakhtigaasi ku sugnaayeen, inkasta oo la sheegay in wiilka oo ahaa Wiil yar uu markii dambe geeriyooday, dhaawaca soo gaadhay oo cuslaa awgeed.

Maraakiibta dagaalka ee ciidamada Kenya ee gantaalaha ku garaacay Magaalada Kismaayo ayaa la sheegayaa inay wali ku sugan yihiin meel aan ka fogeyn xeebta Kismaayo, iyagga oo isha ku haya dhaqdhaqaaqa kooxda Al-shabaab.

Madaafiicdan lagu garaacay Kismaayo ayaa imanaysa xili dawlada Itoobiya sheegtay inay si dhakhso ah ciidamadooda ku sugan Soomaliya ay ula wareegayan gacan ku haynta Magaaladda Kismaayo oo ah fadhiisinka ugu weyn ee kooxda Al-shabaab ku leedahay Somaliya, waxaana muuqata in dawlada Kenya lafteedu doonayso inay la wareegto Kismaayo.
 
                                                                           Galdogob Times News Desk