Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

M/wynaha Rushka Mr. Dmitry Medvedey Oo Ugu Baaqay Shacabkiisa In Bisad Ka Luntay Ay La Baadi-Doonaan

Thursday - April 5, 2012

Moscow: Madaxweynaha dalka Ruushka Dmitry Medvedev ayaa shacbiga ka codsay in ay kala hawl galaan, baadi doonka bisad qoyskiisu lahaa oo ka luntay, taas oo uu sheegay in ay aad u jeclaayeen qoyskiisu, madaxweynaha oo ku sugan shirwaynaha "Albraix" ee ka socda dalka Hindiya waxa uu soo saaray bayaan la xiriira bisadiisa.

Madaxweyne Dmitry Medvedev waxa uu sheegay in bisadan ka luntay oo lagu magacaabo "Dorovi" ay ahayd mid qoyskiisa ku wayn aadna ay u jeclaayeen, "waan uga mahad naqayaa qof kasta oo soo hela, Dorovi." Ayuu yiri madaxweynaha Ruushku.

Bisadan ayaa warbaahinta Ruushku sheegtay in ay guriga Madaxweynaha ka baxsatay, meel ay u jihaysatayna aan la garanayn, warbaahinta waxa kale oo ay ka warantay warar sheegayay in bisadaa la afduubay, hasa yeeshee markii danbe warkaas waxa ka noqday madaxtooyada dalka Ruushka.

Bisadan oo ku noolayd guri ku yaal duleedka Moscow oo uu leeyahay madaxweyne Dmitri Medvedev waxa si wayn u raadinaya, booliska dalkaas, waxaana la baaray dhamaan xaafada u dhow gurigaas iyo meelaha kaymaha ah ee ku xeeran degaankaas.

Hasa ahaate Nin dhakhtar ah oo ku takhakhusay xanuunada xoolaha ayaa sheegay in bisadani u baxsatay qooq dartiis balse aanay jirin wax dhibaato kale ah oo soo gaaray, si kastaba ha ahaatee madaxweynaha Ruushka Dmitri Medvedev ayaa isagu ka codsaday shacbiga dalkiisu inay ka qayb qaataan baadi- doonka bisada ka luntay, waxa kale oo uu madaxweynuhu intaa ku daray inuu aad ugu mahad naqayo qof kasta oo murugada la qaybsada qoyskiisa.

Faysal Maxamed Xasan