Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 1 May 2024

Qarax Lala Beegsaday Golihi Murtida Iyo Madadaalada Mogdisho Oo Dhimasho Iyo Dhaawacba Leh

Wednesday - April 4, 2012

Mogdisho: Sida la cadeeyey waxa goor dhaweyd ka dhacay magaalada Muqdishu qarax is miidaamin ah oo lala beegsaday golaha murtida iyo maddadaalada ( National Theatre ).

Qaraxan oo sida la sheegayo ay fulisay gabar yar oo aan illaa hadda la garanayn, ayaa lagu beegay mar loo xafladaynayey sannad guuradii koowaad ee ka soo wareegtay TVga qaranka. Goobta dhibku ka dhacayna waxa ku sugnaa masÂ’uuliyiin dawladda ka tirsan , fannaaniinta qaranka iyo marti sharaf kale.

Xilligan aan joognana sida wariyayaashu soo sheegayaan waxa gurmad xooggan ka galay Ciidammada ammaanka iyo takhaatiirta oo ku mashquulsan daad guraynta dadka meesha ku wax yeelloobay.

Si kastaba ha ahaatee, weli waxa maqan wararka faah faahsan ee ka imanaya goobta qaraxu ka dhacay oo ah National Theatre-kii Muqdisho, hasa ahaate waxaa la isla dhex mushaaxaya war sheegaya in laba qof goobta ku qur baxday oo u ka mid yahay Saciid Mugaambo oo ka mid ahaa xiriirka kubada cagta iyo Adam Yabarow "wiish" iyo dhwr kalana ay dhaawac halisa yihiin, sida xildhibaan Dalxa iyo Mawlid Macaane oo isna u weheliyo Cabdi Xaaji goobdoon iyo kuwa kalaba oo aan weli magacyadooda soo shaac bixin.