Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Golihi Degaanka Is-Maamulka Somaalida Itoobiya Oo Isbadal Lagu Sameeyey

Tuesday - April 3, 2012

Jigjiga: Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya madaxtooyada dowlad deegaanka Soomaalida, waxaa isbadal lagu sameeyey golihii wasiirada ee xukumadda deegaanka Soomaalida.

Wararkan ayaa tilmaamaya in iyadoo laga duulayo go'aammadi uu dhawaan gaaray Guddiga Fulinta ee xisbiga ESPDP isbadal lagu sameeyey qaar ka mid ah wasaaradaha dowlad deegaanka.

Sida la sheegay masuuliyiin ka tirsan xukumadda, wasiiradda la magacaabay, kuwa booska loo badalay iyo kuwa xilka loo ballaariyey ayaa kala ah:

(1). C/fitaah Maxamud Xasan, M/weyne Ku-xigeen, ahna Wasiirka Caafimaadka.

(2). C/lahi Yusuf Weerar, M/weyne Ku-xigeen, ahna Hogaanka Nabadgalyada iyo Cadaaladda.

(3). C/xakiin Xasan Cigaal, M/weyne Ku-xigeen, ahna Wasiirka Dakhliga.

(4). C/raxmaan Sheekh Maxamed, Wasiirka Howlaha Guul iyo Horumarinta Magaalooyinka.

(5). Maxamed Cumar, Wasiirka Adeegga Shacabka iyo Kobcinta Awoodda.

(6). Xasan C/laahi Riyaale, Wasiirka Waxbarashada.

(7). C/casiis Maxamed Cabdi, Wasiirka Madaxtooyada.