Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Geedka Dacarta Ee Daawada Loo Isticmaalo Iyo Waxa Ay Caafimaadka Ka Tarto By Noox Ismaciil Maxamed

Monday - April 2, 2012

Waxa aan isku dayi-doonaa in aan bal wax ka yara taataabto dawooyinka dabiiciga. Daawaynta xanuunada ama cudurada ayaa loo kal qaadaa laba qaybood oo kala ah mid kiimiko ka samaysan iyo mid lag sameeyo geedaha ama dhir dabiiciga ah.

Waxaa muddooyinka danbe soo badanaya isticmaalka la isticmaalo dawooyinka dabiiciga ee dhirta laga sameeyo.
Qormadan gaaban waxa aynu maanta ku eegi doonaa haddii Ebbe idmo waxtarka ay leedahay ama faa´idada ay leedahay dacartu (Aloe vera) oo muddoonyinkii danbe aad ugu soo badanaya suuqyada lagu iibiyo dawooyinka dadbiiciga. Bal aynu yara jaleecno ma milicsano taariikhda is dawaynta la isku daweeyo dawooyinka dabiiciga ama aan si kale u dhigee dhirta la isku daweeyo. Tan iyo wakhtigii/markii Ilaahay (swc) dhulkan dushiisa ku abuuray bini-aadamka, ee ay ugu horreeyeen Xaawa iyo Aadam. ilaa imminka waxay ummadihii kala duwanaa ee intaasoo kun oo sannadood nolosha aduunka iskaga kala danbeeyey ay isticmaali jireen dawooyinka u gaara oo ay samaysan jireen, si ay iskaga daaweeyaan xanuunada ama cudurada soo food saara jidhkooda. Dadka soomaalida ayaa ah dadka iyagu inta badan isticmaala dawiiyinka dabiiciga,khaasatan dadka reer miyiga oo aad ugu xeeldheer isticmaalka dawooyinka dabiiciga.

Magaca guud waa geedka dacarta, laakiin dacartu waxa ay u kala baxdaa noocyo badan.

Haddaba marka laga hadlayo waxtarka ay leedahay dacartu waxaa ka mid ah

1- In ay finanka baabi´iso
2- Waxa ay yaraysaa cuncunka/xanuunka maqaarka jirka
3- Waxa ay dawaysaa xanuunka dheefshiidka caloosha
4- waxa ay u dacartu u wanaagsan tahay oo loo isticmaali karaa gubashada, nabarada jirka, cuncunka, dhagaxaanta kalyaha.
5- Waxaa la yidhaahdaa waxa ay u fiican tahay Kansarka.
6- Waxa kale oo ay u wanaagsan tahay qaniinyada kaneecada

Waxaa soo diyaariyey: Nuux Ismaaciil Maxamed (Ina Ismaaciil Somali Airlines)
bahda mareegta caafimaadka