Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Dagaal Geeri Loo Batay Oo Ka Dhex Socda Maamulka Somaliland Iyo Khaatumo State

Sunday - April 1, 2012

Xigasho Lasanod.com :Waxaana lagu soo waramayaa inay hadda iska horimaadki qaboobeen .. Dagaalkani wuxuu u dhexeeyey maamulka Somaliland iyo Maamulka Khaatumo ee ku sugnaa duleedka magalada Laascaanood.

Maleeshiyada Somaliland ayaa saaka heertii waaberi weerar gaadmo dhowr meelood kaga soo qaaday ciidamada Khaatumo meelihii ay fariisamaha ku lahyeen ee Gacandar, Waqdari iyo Kalabydh.

Dagaalka Gacandar oo socday saacado badan waxaa laysu adeegsaday gaadiid tikniko ah iyo madaafiic culus. waxaana la sheegay ina labada dhinacba uu soo gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Horgale Mahad Canbaashe ayaa lagu soo warmayaa inuu hoogaaminayey dagaalka Gacandar ee lagu qaaday ciidanka Khaatumo. isagoo aad u quud daraynaya inuu dib gacanta ugu dhigo gaadiidkii hore loogala goostay ee ku sugnaa jiidaas, tasoo uu ku hungoobay.

Maleeshiyada Somaliland oo kasoo wareegtay dhinaca hawdka magaalada Dhumay ayaa weerar ku qaaday Magaalada Kalabayr oo ay ku sugnaayeen wasiiro ka tirsan maamulka Khaatumo, Wasiiradaas oo hadda jooga Saaxdheer, kadibna waxay dhabar jebin ku sameeyen ciidankii khaatumo ee dagaalka kaga jiray Waqdari. waxaana la sheegaya in magaalada Kalabayr hadda gacanta ugu jirto maamulka Somaliland.

Halkaasna uu ka khudbadeeyey ninka ugu magacaaban Gudoomiyaha gobolka Sool Maamulka Hargeysa oo la yiraahdo Jeeniyari.

Ilo wareedyo waxay noo xaqiijiyeen in anteenooyinkii is gaarsiinta la jaray tulooyinka hawdka intii maleeshiyada Somaliland soo maraysay tulooyinkaas ee ku soo socotay magaalada Kalabaydh.

Warar kasoo baxaya maamulka Khaatumo waxay sheegayaan inay dagalkaas ay guulo ka gaareen, khasaare isugu jira dhimasho, gaadiid iyo tikniko na kaga gubeen maleeshiyda Somaliland ee soo duushay.

Waxay labada dhinacba ka gaabsadeen inay sheegaan khasaraha dhabta ah ee soo gaaray, inkastoo ay soo baxayaan warar sheegaya in 2 gaari gacanta laga dhigay ciidanka khaatumo, tiro aan la xaqiijina kaga gubteen dagaalka Gacandar. ciidamada Khaatumo oo uu la joogo madaxweyne Karaash ayaa hadda ku sugan deegaanka Karin gorfood.

Dhinaca Gambare oo iska hormaad saaka dhexmaray maleeshiyada iyo shacabkii deegaanka ayaa lagu soo waramayaa inay deeganka Higlada oo u dhaxaysa Gambare iyo Tukaraq ka qafaasheen shacab lagu qiyaasay 20 oo ku sugnaa degaankaas loona dhaadhicyey dhanka Burco. Higladana ay weli maleeshiyadaasi joogto.

Dhanka kalena dagaal qaaraa ayaa saaka ka qarxay deegaanka Sool joogto ee magaalada Buhoodle, waxaana lagusoo waramyaa in maleeshiyadii Somaliland khasaare lixaad leh lagu gaadhsiiyey Dagaalkaas, deegaano ay hore u fadhiyeena gacanta lagaga dhigay. dagaalkas oo lagusoo waramayo inuu weli aagaas ka socdo.

Iskusoo wada duuboo dagaalkan ay saaka soo qaadeen maleeshiyada maamulka Hargeysa iyo horagalada u shaqeeya oo qorshahoodu ahaa in ciidamada khaatumo la gaarsiiyo khasaare ayna kasoo kaban, waxaase soo baxaysa inay taas ku guul daraysteen oo si adag loo caabiyey.

Weli si rasmi ah looma shaacin dhaawaca iyo dhimashada ka dhashay dagaaladan maanta, waxaase la xaqiijinyaa inay jiraan tiro dhimasho iyo dhaawac labada dhinacba.