Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Yaa Noqonaya Madaxweynaha Somaaliya

Saturday - March 31, 2012

Siyaasada Iyo qarjac-jacyada muranka ka jira bulshada guud ee Somaaliya ayaa ku hardamaya falkinta saadaalinta ciida ama shakhsiga ku soo boodi kara doorashada madaxweynaha mustaqbalka, waxaase muuqata dadka somaaliyeed oo intooda badan u soo taagnaa noocyada raga u cararaaya jagadaas madaxweyne ayaa fikirkooda ku saleeyey kala doorashada cod bixinta Ragaas kursiga ku baratamaya aysan ahayn wax lagu xiiqo ma daama waxa uun wax doonaaya aysan waxba ka duwaneyn ama ay mari-doonaan dhabada kuwi hore ee madaxweynayaasha noqday, taaso keentay in dadweyne fara badan ay yiraahdaan damiirka iyo caqliga iyo jirka ayaan noo ogolaaneyn inaanu kala doorano noocyada ragaas balse ay yiraahdeen aamus ayaan ka door bideynaa.

Sida la xaqiijinaayo raga maanta masraxa siyaasada iska soo muujinaaya waxaa lagu tilmaama rag ay ku mudantahay irbad qabyaaladeed oo indhaha ku kala furay colaadi sokeeye oo is arkay iyagoo qori Ak-47 caadi u yahay