Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Xusni Mubaarak Oo La Sheegay Inu Xaga Takhaatiirta Dhimasho Ka Noqday " Clinicaly Dead"

Friday - March 30, 2012

Cairo: Warar la xaqiijinaayo oo ka soo baxay takhaatiirta ku mashquulsan daawenta cudarka haya madaxweynihi hore Xusni Mubaarka ayaa laga xigtay in xaaladi caafimaad ee Ex madaxweynahaas ay sii xumaaneyso oo u iminka la walfaayo xanuunkii dhimashada, waxayna cabireen in saasaanta ka muuqata u galay xaalad meyd ku taaganyahay, ayna dhici-karto in maalmaha amase saacadaha soo socda nafto ka baxdo,isla markaa waxaa dhinaca taliska milatariga sare ee Masaarida laga dareemaya iney ku hawlayihiin meesha laga qodaayo godkii lagu rogi lahaa xabaashiisa iyo nooca maamus ee loo aasi-doono madaxweynihi hore ee Masar.

Waxaa warku intaa raacinaya Mubaarak in la soo tusay labadisi wiil oo xabsi gaara ku karantiilan si ay u arkaan aabahood oo ku jira xaalad dhimasho, waxaana la sheegay markay arkeen aabahood imtixaanka iyo saxariirta sakaraad haysta ay si aada uga damqadeen oo dabadeed  murug gocasho iyo iyagoo ilmadu ka  gobo' layneyso wajiga iyo gacnta Odagii ka dhunkadeen, sido kale waxaa loo keenay marwadiisi Suusaan oo iyadana xaalada ay ku aragtay ninkeeda si lama filaana ilmadu uga tifleysay, waxaana laga sheegay iney tiri : waa la iska daba yimide Eebe Gargaarow u naxariiso Mubaarak .. duqeygii teg.