Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Aamaal Oo Ahayd Min Yaradi Bin Laaden Oo Amuuro Badan U Sheegtay Baarayaashi

Friday - March 30, 2012

Wargeyska New York Times ayaa bogiisa ku xaqiijiyey in baaristi ku socotay xaasaskii Bin laaden laga helay amuuro badan oo sireed oo la oran-karo waa joog ku dhacday sirdoonki Mareykanka oo iyagu mudoo sanooyin ah ku daba joogay raadi Bin Laaden ee ku dhumaaleysanayey dhulalka Baakistaan iyo Dhinac afgaanistaanba.

Xaasaskii ka haray binlaaden oo ahaa Sadx Dumara kadib markii la dilay waxaa kaxeystay ciidamada aminiga ee Baakistaan oo mudo baaris ku hayey, waxaana muuqatay in warbixinta ay dhiibtay minyarada aamaami Axmed Cabdi fataax ay wax badan khilaafsanthay sheekooyinki ay ay dhagaha ugu shubayeen madaxdooda sare ee dalka .. Amaal Axmed oo asal ahaan dhalasho ka soo jeeda dalka Yaman jirtana 30 bsano waxay sheegtay in 11 september wixii ka dambeeyey ay 9 sano ku dhex dhuumaaleysaneyeen cariga Baakistaan oo hadba guri ka guri si aan dhib lahayn 

waxayna xasaaskaas ahayn Sadex oo ay weheshaan caruur ay dhaleen oo intooda badan ay yarayar yihiin