Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Markii Ugu Horeysey Oo Hargeysa Laga Furo Xabsi Guatinamo-Bay Oo Loogu Tala Galay Konfurta Somaaliya

Thursday - March 29, 2012

Goor galab gaab ah ayaa laga soo dajiyey airaborka Hargaysa dhallinyaro lagu sheegay burcad badeed Soomaali ah oo lagu soo Maxkamadeeyay dalka Seychelles, kuwaas oo ku qaadan-doona mudada xabsigooda Jeelka dhexe ee magaalada Hargaysa.

Sida la cadeeyey Maxaabiistan oo tiradoodu dhantahay illa 9 wiil ayaa ku xukuman inta u dhaxeysa 10sano ilaa 20 sano, waxaana saraakiisha madaarka hargeysa ay sheegeen in burcad-badeedaas aysan ku jirin wax sheegta reer Puntland balse ay wada yihiin beelaha konfurta Somaaliya,sidaa darteed ayaa arintaan dad badani u arkeen in maamulka Axmed Silaanyo u talabadaas ku deg degay, waayo waxaa la leeyahay wiilashaan maxaabista ah wax dambi ah kama ay galin cariga ay sheegato Somaliland kumana ay soo xad gudbin badaheeda, isla markaana sharciyan lagama warqabo in si cadaalad ah loo maxkamadeeyey ma daama qaar ka mida dhallinyaradaas ku andacoodeen ineysan shuqulkaas ku jirin balse xiligii la qabanaayey ay ku turbayeen dakhalka doontooda.  

Si kastaba arintu ha u dhacde waxaa madaxweyne Siilaanyo iyo maamulkiisa loo arkay dano gaara iyo xoorka caanaha jira awgeed in dhulkii ay maamulayeen ka dhigeen Guantanaamo-Beyda Geeska Afrika taaso noqneysa talaabadi ugu horeysay oo dad dibada lagu soo xukumay la keeno magalada Hargeysa oo ay dhici-karto in lagu Torture-gareeyo 

Arinta si kastaba ha noqote dad badan ayaa qaba Aragti ah in maamulka Somaliland ay Aqoonsigii dawladnimada ku raadineyso iney aqbasho in dhulkeeda laga yeelo Xabsiga Guantanamo-Bay ee geeska Afrika, halka dad somaliland qaarkood qabaan in ay taalabadani tahay mid Aqoonsi keeni -karta , laakiin Aragtida saxda ah ayaa oranaysa Maxaabiis Soomaaliyeed oo xabsi hargeysa lagu keydsado lagu heli maayo Guul iyo ictiraaf .. Ayaandaraduna waxay tahay in Madaxdii ugu saraysay Jabhadii SNM ee oran jirtay Xukuumadii Soomaaliyeed ayaa noo Adeegsatay calooshooda u shaqaystayaal in ay qaadaan iyaguna talaabo ay godob Soomaaliyeed ku galayaan, sheekaduna waxay ku soo aruureysa Somaaliya guud ahaan waa dal fashalmay oo is xukumi la' siiba Somaliland iyo Puntland waa ganacsi kolba ka madax u ahi uu shito sidi makhaayada.