Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Guutooyin Maleeshiyaad Ah Oo Sita Hubka Wax Guba Oo Si Xeeleydeysan Isku Balaariyey Aagaga Lascaanod

Thursday - March 29, 2012

Laascaanood – Waxaa maalma-haanba socda warar isa soo taraya oo sheegaya in maleeshiyaad sidi komandooska cidiyaha ku dagaalamaya isku dayaya iney awoodooda wax ku maquuniyaan kana dhigaan kuwa degaanka u afdooban wax aan awood badan lahayn iyo gardarooy godkaagi ma lagugu soo galay,waxaana la sheegay maleeshiyadkaas taageersan maamulka cusub ee Khaatumo State ay beryahaanba si talaabo talaabo ah u soo kulaalayeen aagag istraatiji ah ka mida degaanka Laascaanood oo iminka hub iyo balaayo wax afuufta la dul taagan-yihiin oo waa sida la sheegaye ay doonayaan iney magaaladaas gacantooda ku soo celiyaan, waxaana warku intaa ku daraya in maleeshiyadaas ay dhawaa-nahaanba ku jireen tababaro iyo carrbisyo lagu sugaayo qaabka ugu haboon ee ay ku gaari-karaan guul ay ku hantaan magaaladaas ay inta badan ku taamaan reer Khaatumo.

Dhinaca kale ayaa iyadana la tilmaamaya in xirfidyahano siyaasiyiin aftahano ah iyo kuwa u boqran maamulkaas Khaatumo ay socdaalo badan ku kala bixiyeen degaanada SSC si farshaxanka naqshada dagaal ay damacsan-yihiin gacal ugu helaan oo hawsha abaabul socota dhinac la isugu raaco, isla markaana waxaa la sheegaya in ergooyin kale oo kala duwan kana mida siyaasiyiinta reer khaatumo ay iyagana socdaalo u si biyeys-teen meelo kala duwa oo ka mida Somaaliya iyo waliba gaar ahaan dawladaha iyagu sida gaarka ah u daneeya Somaaliya taasoo ay ku doonayaan iney taageero ku helaan gogolxaarkooda dagaal ay ku doonayaan iney ku xoreystaan degaanadooda, waxaana la xusaya in illa iyo hadda ay si fiican ugu guuleysteen markhaati galka hirgalinta magaca khaatumo State oo inta badan maxfalada caalamka caan ka noqday

Sida la tilmaamayo weli xaaladu faraha kama bixin, waxaase la odorosayaa in kharidadi ugu dambeysey ee dagaal galinta iyado cilmiyeysan ay gabagabo tahay oo uun la sugaayo dhinaca barnaamijki dipolomaasiyada qancinta rayi' caamka Somaali iyo guud ahaan caalamkaba, waxayse dadyooga khaatumo si gaara uga eed sheegtaan Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo ay ku eedeyaan inu xumaan ku fogaaday oo garaacayo durbaan colaadeed oo haragi ka qoyey  isagoo ujeedadisu tahay ka ilaali Khaatumo State hanaqaad iyo horumar yaanay sameysan, iyo hor taagnow weligaa, balse inta kale ayey yiraahdeen shicibka reer Puntland iyo guud ahaan bulshada Somaali ay ka helen soodhaweyn iyo qabuul wacan.