Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Barakac Xoogan Oo Saaka Ka Bilowday Degaanadi Hore Loogu Barakacay Ee Duleedka Mogdisho

Wednesday - Feb 15, 2012

Mogadisho: Waxa saaka oo Arbaca ah deeganada Loo barakacay ee duleedka koonfureed ee magaalada Muqdisho ka socda barakicii ugu xoogganaa ee ay sameeyaan dhawaanahan dadka ku dhaqan halkaas, ka dib markii shaley dagaalo xooggan ay ka bilaabmeen oo u dhexeeya ciidamada AMISOM iyo kuwa Al-Shabaab.

Boqolaal qof ayaa saaka la arkaayaa kuwaas oo ka barakacaya deeganka KM 13, Jabaq Geela, Siinka Dheer, Ceelasha Biyaha iyo xaafad kale oo ku teedsan degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale waxa maalintii labaad xiran wadada Afgooye iyo Muqdisho isku xirta, taas oo sameen ku yeelatay dagaalada shaley ka bilowday duleedka Muqdisho.

Gaadidka iyo dadka ayaa waxa ay adeegsanaayaan wadooyin qarba jeex ah iyo dhul bacaad oo ay dhib tahay in sii fudud looga duso, sidoo kale waxa cirka galay qiimaha lago raaco gaadidka deeganada duleedka Muqdisho.

Dagaalkii shaley ayaa waxa ku dhintay ugu yaran afar qof oo rayid ah iyo tiro kale kuwaas oo rasaas ay kula dhacday meelo ku dhow goobaha lagu dagaalamaayo.

Dhinacyada dagaalamay ayaa mid kasta wuxuu sheegtay in guulo ay ka gaareyn dagaalkii shaley Taliye ku xigeenka taliska AMISOM General Audace Nduwumunsi ayaa sheegay dagaalkii shaley in ay ku dileen 10-ka tirsan Al-Shabaab,

Isagoona dhinacooda uu sheegaty in ay ka dhaawacmeen labo ka tirsan askartooda.

Wuxuu sheegay dagaalka ay shalay qaadeen in uu qeyb ka yahay sugitaanka amaanka magaalada Muqdisho so loo jaro meelaha ay ka soo weerari karaan Al-Shabaab magaalada.

"Howlgalkeena wuxuu yahay is ballaarin magaalada Muqdisho," Nduwumunsi

Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamada Brundi oo ka mid ah kuwa AMISOM in ay qabsadeen deeganka Cali Janaanle ee duleedka degmada Dherkeenleey halkaas oo aad ugu dhow garoonka diyaaradah Muqdisho iyo dhimaha Maslax oo udhow wadada degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose halkaas oo ay ku xoogganaayeen Al-Shabaab.

Dhinaca kale, afhayeenka dhinac howlgalada Al-Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab oo la hadlay wakaalada wararka Reuters ayaa beeniyay wararka ka soo yeeray AMISOM ee ah in laga qabsaday labo goobood oo muhiim ah, waxa sidoo kale ay sheegeen in ay AMISOM ay ka dileen askar intii uu socday dagaalkii shaley.

" Waxa aan dilnay 7-ciidamada Brundi dagaalkii shalay" sidaas waxa yiri Abuu Muscab isagoo intaas ku daray "AMISOM waa beentood meel ay qabsadeen oo annaga noo ahaa xarun ma jirto"

Waxa saaka laga cabsi qabaa in dagaalo kale ay ka dhacaan goobihii shaley lagu dagaalamay in kastoo xaaladda ay saaka degan tahay, waxa tan iyo xalay laga maqlaayay duleedka Muqdisho kuwaas oo xaley dadka ka salaliyay hurdada.

W/D: Maxamedkafi Cali Muumin .. Muqdisho Soomaaliya