Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Caga Jiidaya Ka Qayb Galka Shirka Magaalada London

Sunday - January 29, 2012

Hargeysa Xigasho Ramaas News: Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa la sheegay in uu ka  cagjiidayo ka qaybgalka shirka 23-ka bisha  Febuary ee sannadkan kooxaha Soomaalida  loogu qabanayo Magaalada London ee dalka Ingiriiska, isaga  suulagay kaalinta Somaliland shirka ku yeelnayso.

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo ku dhaw Madaxtooyada, waxa uu Madaxweyne Siilaanyo isku dayayaa in uu maalmaha soo socda ku dhawaaqo go’aanka xukuumadiisa ee ka qaybgalka shirka London, iyada oo  ay u badan tahay in uu ka soo horjeedsan doono, maadaama  kulamo  talo oo uu la yeeshay masuuliyiin ka tirsan maamulkiisa isla afgartay in  aan lagu deg-degin soo jeedinta beesha caalamka  ee shirkaas.

 Waxa  kale oo  aan sababo aan la garanayn loo baajiyay shirar ay isugu iman lahaayeen Madaxweynaha, shir-guddoonada labada gole iyo madaxda axsaabta Qaranka todddobaadkan , ka dib markii sida la sheegay dawlada ka war heshay in ajandaha shirku dibeda u soo baxay, kaasoo qaadici lahaayeen dhinacyada kale oo u arka mid  lagu wiiqayo Qaranimada Somaliland, waxaana uu Mr Siilaanyo ku hawlan yahay uu sidii jawaab waaqiciya u gaarsiin lahaa wadanka Ingiriiska oo martigelinaya shirka lagaga hadlayo aayaha dambe ee maamul u samayn Soomaaliya.

 Dawladaha Ingiriiska iyo Maraykanka oo Somaliland caadis ku saarayay Madaxweynaha  Siilaanyo in uu ka qaybgalo shirka Magaalada London, ayaa xoojinaya qorshaha abaabulka shirka, waxaana ay wakhtigan isticmaalayaan qalabka warbaabinta dalalkooda  oo faafinaya fariintooda, iyada oo maalmihii u dambeeyay ay idaacada B.B.C-da qaybta la hadasho dibedaha ee la yiraahdo World Service ay si toos ah u tabinaysay aragtida shacabka reer Somaliland ka qabaan isu imaatinka London.

 Dhanka kale golaha wasiirada xukuumada, ayaa aragti kala duwan ka qaba shirka, iyada oo ay qaarkooda Madaxweynaha ku dhiirigelinayaan in uu dhakhso u cadeeyo mawqifkiisa, kuwaasoo ku doodaya  in uu haddii uu qaato go’aan  qeexan oo diidmo ah  ay xukuumadu go’adoon siyaasadeed oo caalamiya geli doonto, halka  kuwa kalena ay qabaan in haddii xukuumadu ay  aqbasho shirka London  in ay waayi doonto kalsoonida dadweynaha oo hoos u sii dhacaysay muddooyinkan dambe.

Laakiin waxa la dhawrayo ayaa ah tallaabada uu qaadi doono Madaxweynaha Somaliland oo xilligan ku jira jahawareerkii siyaasadeed ee ugu cuslaa ilaa intii uu talada dalka qabtay bartamihii sannadkii 2010-kii, waxaana uu xaalkiisu noqday laba daran mid dooro.