Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Axkaamta Soomka Ramadaan Maxaa Banaan Ee La Sameyn-Karaa?

Thursday - August 11, 2011

Alle ayaa mahad iska leh, Naxariis iyo nabad gelyana korkiisa ha ahaato Rasuulkeenii suubanaa Maxamed bin Cabdillaah, intaa ka dib
waxa mudan in aynu Alle uga mahad celino in uu innaga dhigay Islaam, waxa kale oo mudan in aynu alle uga mahad celino in uu nabadgelyo iyo cafimaad qab innagu gaadhsiiyo bishan barakeysan ee Ramadan.
Qormadeena maanta ee barmaamujka wacyiga galinta maalmaha qaarkood aan uga hadalno arimaha diinta ee la xiriira soonka bishan, waxaynu maanta si kooban ugaga hadli doonaa Axkaamta Ramadaanta intii Alle innaga gaarsiiyo iyada oo qoddobaysan.

1- Niyee inaad 30 bisha Ramadaan soomtid 
2- Ha ku soomin bilaa suxuur sabab la,aan, waayo suxuurta waxa ku jirta barako badan, sida Nebigeena suubani (NNKHA inoo caddeeyey.
3- Marka aad suxuuraneyso dib u dhig suxuurata oo ha de-dejin.
4- Marka aad afureyso ku afur Timir, biyo iyo wixii kale ee Alle ku siiyo, adiga oo duceysanaaya una duceynaaya walaalahaaga muslimiinta ah, isla markaana afurka dedeji oo dib ha-u-dhigin sida uu innagula dardaarmay Rasuulka (NNKHA).
5- Ka fagow hadalka xun (laqwiga), xanta, beenta, isku-dirka, kaftanka aan macnaha lahayn, ficilada xun-xun iyo ku dhaqanankooda, haddii kale waxaad noqoneysaa qof iska af xiran oo aan Alle agtiisa ajar ku lahayn, macnena aannu ugu fadhiyin soonkiisu.
6- Ka dheerow xaaskaaga intaad soomantahay (jimaac ha la yeelan).
7- Waxa bannaan oo dhib lahayn in qofka soomani uu istoobi karo haddii loo baahdo, ama dhiig uu cid u shibi karo haddii qofka loo shubayaa aannu sugi karayn inta la gaarayo habbeenka, sidoo kale qofka soomani waxa uu isku mudi karaa irbad, waxase shardi ah in aanay irbadaasi awood siinin u gasha halkii cuntada.
8- Waxa bannaan in la indho-kuusho, is qurxin, is cadariso.
9. Waxa mubaax ah in waqti kasta oo maalinta ka mid ah qofku isaga oo sooman cadaydo, waayo cadayga sida adag ayuu Nebigu uga hadlay waxaannu yiri; " Haddii aanan ka baqayn in ummaddayda lagu faralyeelo waxa amri lahaa inay caddaydaan salaad kasta." Sidoo kale, waxaan dhib ku jirin mayrashada jirka ama in maro qoyan la isa saaro.
10- Haddii qofku isaga oo islawsan ama lagu khasbay uu wax cuno ama cabbo soonkiisu ma jabayo ee jirayaa, wuxuunbuu iska joojinayaa marka uu xasuusto inuu soomanaa.
11- Haddii uu matago qofku isaga oo aan iska keenin waxba soonka ma yeelayo, laakin haddii uu iska keeno soonku wuu jabay maalintaana dib baa loo qallaynayaa.
11- Qofka safarka ah waxa u bannaan inuu soomo, waxa kale oo u bannaan in uu afuro oo maalin kale uu qalleeyo.
12- Qofka dhinta isaga oo soon lagu leeyahay waxa ka soomaya weligiisa.
13- Ku dedaal inaad Taraawiixda tukatto, habbeenkiina cibaado u kacdo, waxa lagu dhaafayaa denbigaaga waa hadii aad Alle ajar kaga dalbeyso oo niyadaadu wanaagsantahay.
14- 10-ka dambe ee bisha Ramadaan badi cibaadada una kac tahajudka.
15- Ramadaan waxa ku jira habeenka loo yaqaan Laylatul Qadri oo culimadu ku sheegto in uu ku jiro habeenada tirada kala dhiman ah (kinsiga ah) waa habeen ka ajar badan 1000 habeen ku dedaal in habeenkaasi aannu ku dhaafin, Alle ha inna waafajiyee.
16- Badi ducooyinka adigoo ku duceysanaaya "Allaahuma innaka tuxibbu cafwa, facfu cannii" iyo ducooyinka kale ee aad taqaano.
17- Iska ilaali waxayaabaha wakhtiga lagu dilo, sida:- khammaarka noocyadiisa kala duwan ee ay ka mid yihiin; turubka, dubnadda, shaxda, heesaha, riwaayadaha, filimada iyo wixii lah hal maala.
18- Can-dhuufta oo la liqaa wax dhib ah ma laha, waxna ma yeelayso soonka.
20- Badi akhriska QurÂ’aanka Kariimka ah, waayo bishani waa bishii QurÂ’aanka la soo dejiyey.
21- Indhahaaga ka ilaali inay eegaan waxyaabaha xaaraanta ka ah.
22- Maamul carabkaaga oo ka ilaali inuu ku hadlo wax xaraan ah ama aan dadka raali gelin.