Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Qiisadi Tufaaxa .. Waa Qiso Cajiiba Oo Cibro Iyo Ku Dayasho Mudan By Laba-Baale

Wednesday - August 10, 2011

Maanta waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa qiso ka mid ah qisooyinka ku saabsan ka cabsida ilaahay
Waa qisadii tufaaxa runtii waa qiso cajiiba oo ku dayasho iyo cibro mudan

Waxaa jiri jiray wiil yaroo dhalinyaro ah waxa uu baran jiray diinta waxa uu ka dhashay reer saboola

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu  gaajooday wuxuu ka soo baxay gurigoodii waxa uu maray dariiqii Uu umarijiray malcaamada waxa uu arkay dariiqii uu marayay beerkutaala geed tufaaxa kadibna geedkii ayuu kasoo goostay xabad tufaaxa, markii uu cunay xabadii tufaaxa ahayd ee uu guriga ku noqday, ayuu fikiray wiilkii waxa uu is waydiiyay xabadan tufaaxa ah ee uu geedka ka goostay inuu cunay isaga oon ka idin dalban ninkii iskalahaa geedka tufaaxa ah xaaraana ay kutahay ilaa inta ninka mulkiilaha beertu uu karaali noqonayo markaa wuxuu kutashaday in uu raadiyo ninkii beerta uu geedka ka goostay iskalahaa si uu ugu sheego uguna codsado in uu u xalaaleeyo xabada tufaaxa ah ee uu geedka ka goostay , kadib wuxuu raadiyoba wuu helay ninkii iska lahaa beerta uu xabda tufaxa ah ka goostay

Kadibna waxa uu uga waramay inuu beertiisa ka goostay xabad tufaxa isagoon ka idin dalban aadna uga xunyahay, waxaanu ku yiri waxaan kaa codsanayaa inaad iga saamaxdo iina xalaalayso ana waxaan diyaar u ahay wax alaale iyo waxaad igu xukunto inaaan kuu qabto, ninkii beerta lahaa waa uu kadiiday wiilkii yaraa waanu iskaga dhaqaaqay.

Wiilkii yaraa waa kadaba dhaqaaqay isagoo lugaha haysta ninkii kana dalbanaya inuu ka cafiyo xabada tufaaxa ah ninkii beerta lahaa wiilkii uma joojin waxaanu iska galay gurigiisii

Wiilkii yaraa muu qancin oo iskamuu tagin .wuxuu hor fadhiistay gurigiii ilaa salaadii casar uu ka soo baxayay

Ninkii markii uu ninkii ka soo baxay gurigiisii ayuu hadana daba cararay isagoo ka dalbana inuu cafiyo.

Ninkii waa uu istaagay waxaanu ku yiri wiilkii waxaan kugu xirayaa shuruud. hadaad shuruudaa kasoo baxdo ayuunbaan kaa saamaxayaa kuna cafiyayaa

Wiilkii intay neefi kasoo baxday ayaa isagoo faraxsan ku yiri iisheeg waayahee shuruuda

Ninkii wuxuu ku yiri waxa jirta gabar aan dhalay . gabadhaasi way indho la.dahay ,waanay dhago la.dahay, waanay lugo la.dahay waxaan doonayaa inaan kuu guuriyo gabadhayda sifooyinkaas leh markaa wuxuun-baan kaa saamixi karaa hadii aad oofiso shuruudaaa kana soo fikir ilaa khamiista

Hadii aad ogolaato halkan isugu keen keen waan kuu meherinayaa.

Wiilkii murugo iyo amakaag ayaa u dhamaaday madaxii ayaa waynaaday bal kawaran gabar indhola oo dhaga la' oo lugo la' sharad lagaaga dhigo siday kula noqon lahayd.

Wiilkii markii uu ka soo noqday ninkii wuxuu fikiraba wuxuu talo ku goostay inuu ilaahay isku xiro wax kaste oo dhacana ilaahay amarkiisa mooyee inaanay cidina awoodin inay smaayso dabadeed ilaahay ayuu talo saartay.waanu tawakalay.

Maaliintii balanta markii la joogay ayuu wiilkii yimi halkii uu kula balamay ninka salaan dabadeedna ninkii wuxuu waydiiyay wiilkii inuu shuruudii uu ku xiray diyaar u yahay iyo inkale.

Wiilkii wuxuu ugu jawaabay diyaar ayaan u ahay . wuxuu kuyiri ninkii baarakalaah fiik

Waanu soo kaxeeyay gurigiisii ayuu keenay kadibna inantiisii ayuu u meheriyay kadibna wuxuu ku yiri: Inantaydu maanta laga bilaabo waa xaaskaagii xalaasha ahaa waxaanad yeelaysaa waxay ku jirtaa maqsinkaa soo jeeda orodoo u gal .

Wiilkii wuu kacay waxaanu u dhaqaaqay halkii uu maqsinka xaaskiisu ahaa kadib maxaa ku soo bixi doona?

Markii uu furay albaabkii ayuu hore u soo galay aqalkii kadib waxaa indhihiisa ku dhacay gabar laxaadkeedii ilaahay u dhmeeyay aad iyo aadna u qurux badan oo aad moodo xuural cayntii janada

markii indhihiisu ku dhaceen gabadhii quruxda badnayd wuu u qaadan waayay aad iyo aadna wuu ugu farxay

Inantii waxay ku tiri soo dhawaw ninkaygii qaaliga ahaayaw iyadoo faraxsan qoslaysana

Wiilkii waxa uu waydiiyay gabadhii sababta uu aabaheed beenta ugu sheegay ee uu u yiri

gabadhaydu way indha la'dahay waanay dhago la'dahay waanay lugo la'dahay

Waxay ugu ujawaabtay aabahay been kuumuu sheegin waxay tiri waa runtii oo waxaan ka indho la' ahay wax alaale iyo wixii xun oo dhan oo waligay indhahaygu may qaban wax xun

waan dhago la' ahay oo waxaan ka dhago la' ahay wax alaale iyo wixii xun oo dhagahaygu ma maqlaan wax xun

waan lugo la' ahay oo waxaan ka lugo la' ahay wax alaale iyo wixii xun lugahaygana wali umay socon meel xun

Wiilkii aad iyo aad ayuu u farxay waxaanu umahad naqay ilaahay oo waafaqsiiyay sawjat saalaxa .

walaalayaal wiilkii iyo gabadhii ilaahay wuxuu siiyay wiil .waxaanu noqday wiilkaasi

sheekha wayn ee Xaniifa ilahay raali haka noqdee waynu wada garanaynaa afarta madhabood ee islaamku haystaan

Oo kala ah shaafici . Maaliki . Axmed binu xunbul . iyo Xaniifa

Walaahu waliyu tawfiiq  ..   Axmed -laba-baale [email protected]