Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

195-Qofood Oo Todobaadka Hore Ramadaan Muslimay .. Maxaa Sababay Iney Muslimaan?

Tuesday - August 9, 2011

Waxaa wax aad u farxad badan in ay dadka Muslimiinta Farxada la Wadaagaan Dad badan oo kusoo Biiray Bishan Ramadaan Shantii Maalin oo u horeysay waxayna gaarayaan, kaliya Wadanka Kuweyt gudihiisa Dadka ku Muslimay 195 ayagoo isugu jira Jinsayado kala duwan lehna Rag iyo Dumar, waxaa intaas Barbar socda Dadaal ay rag Ducaad ah isku Xilqaameen Gaarsiin dacwada Islaamka ayaga oo rajo Wanaagsan ka Muujiyay inay Filayaan ramadaankan inuu noqo kii ay ku Guuleestaan inay soo Muslimyaan Tiro aad u Badan.

Waxaa kaloo ay Ducaada wadankaas Dhiseen Jimciyad u Taagan Baritaanka Aqoonta Diinta Islaamka ayagoo sidoo kalna Khudbadaha Jimcada ku Jeediya Afaf kala Duwan si ay Jaaliyadaha Muslimiinta iyo Muslimiinta Cusuba ugu Kordhiyaan Fahamka Diinta Islaam.

Waxaa kaloo intaas Dheer inay jirto sidoo kalana waxaa wax lagu Farxo ah in uu Muslimay Duuliye iyo Tababare Tababarayaasha ka mid ah Ciidanka Cirka Dalka Engiriiska kaasoo Magaciisa la yiraahdo Dr Heyword oo 47 jir ah sida uu Qoray Jornaalka Daily-Star, waxaana la Sheegaa inuu ahaa Duuliyahan Muslimay Tababarihii Amiirka Engiriiska ee la yiraahdo Wilyam ilaa 29 sanadood.

DR Harward maqaal uu qoray markuu Islaamay ka dib waxaa uu ku Dhaliilay Dhibaatada ka Dhalan karta Duqeymaha Ciidamada wadanka Ingiriiska ku hayaan Dalka Liibiya, wuxuuna eed Dusha kaga tuuray Qarama midoobay oo Fasax ku Bixisay in Duqeyn loo geesto Wadanka Liibiya, , Arintaas oo Walbahaar weyn ku Dhalisay Masuuliyiinta Wadankaas ayagoo oo ka Cabsi Qabo inuu DR Heyward waqti badan ku bixin doona Dhaqdhaaq Dhanka Diinta Islaamka ku saabsan.

Arintaas waxaa soo Qoray Wesite-ka la yiraahdo www.islamtoday.com Cadadkiisii Netka kusoo baxay Maalinta Isniinta ee ku Beegan 8bisha Ramadaanka iyo 8-da Bisha Agoosto, waxaa kaloo arintaan aad u Qoray Dhamaan Joornaalada Caanka ah ee kasoo baxa Wadanka Engilriiska.

Waxaana Xasuusin Mudan inaysan la yaab laheyn dad soo Muslimay Gaar ahaan dadka Galbeedka waayo waxa ay Diinta Islaamka ku Dhex noqotay waxa ugu Badan oo ay baaritaanka ku sameeyaan isla Markaana Dadka ugu badan ee Muslimana ay yihiin Aqoonyahano iyo Ardayda waxbarata taasoo waano iyo Wacyigalinba ugu filan qaar Soomali ah ee Diinkii uu Allaah ugu Nimceeyay badeeco raqiis ah ka dhigtay.

W/Q: Calinuur Xoogsade