Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Geesigi Ku Hurgufay Goiisii Nabada Xasan Aloore Oo Ku Galbaday Rasaas Lagu Maansheeyey

Monday - August 8, 2011

Gaalkacyo: Waxaa saacado ka hor na soo gaaay war sugaya in la dilay geesigi nabada caanka ku ahaa magalada Gaalkacyo nabadoon Xasan Xuseen Waloore, Ninkaas oo famous ka ahaa guud ahaan Degaanada Puntland, gaar ahaan Gaalkacyo iyo degmooyin-keedaba .. alaha u naxariiste nabadoon Waloore aad iyo aad ayaa looga damqaday dilkiisa,oo la yiri kuwi dilay geedkood ha ba'o waayo waxuu ahaa nin oday garaad sareeya oo isu-xuurteeya xaq-soorka loogana dambeyn-jiray dhex-dhexaadinta nabada iyo heshiisiinta beelaha degaanka, waxuuna ka mid ahaa golaha degaanka dawlada hoose ee gaalkacyo.

Alaha ha u naxariiste Nabadoo Xasan Aloore waxaa dilay dhagar-qabayaal miranaaya isagoo ka soo baxaya masjidka Macmuur ee ku ag yaal hoteelka kaah dhinaca xaafada garsoor, waqtigaas oo ahayd mar u ka soo baxay tukashadi salaadi taraawiix, sida la xaqiijiyana Nimanka wax dilay wey afduubnaayeen oo isla markiiba goobta ka baxsaday, illa iyo haddana lama garanaayo cida falkaas geysatay amase lagu tuhmaayo, waxaase warka loo badinaya oo lala xariirinaya in ay tahay taxanihi dilka mashruuci furnaa ee lala beegsan jiray, dadka ikhyaarta, wax garadka oo ay ka mid ahaayeen marxuum Cali Jaamac Bixi iyo kuwi la midk ahaa ee degaanka lagu dilay

Marxuumka Nabaddoon Xasan Waloore oo isla maanta la xabaalay waxaa lagu soo aasay qabuuraha ku magac dheer cir-jiife ee Magaalada Gaalkacyo, waxaana aaskiisa ka soo qayb galay khalqi aan yareyeen.

Bahda shabakada Galdogo Times waxay u tacsiyeyneysa eheladi iyo qaraabadi iyo asxaabti u marxuumku ka tagay leenahay samir iyo iimaan dhamaanteen alha naga siiyo,waxaana alle uga baryeynaa naxariis iyo god neecawo-qaba u ku sii nuuro.