Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Lama Huraan Waa Caws Jiilaal .. Farmaajo Oo Ku Laabtay Shaqadiise Hore Dawlada Hoose Ee US- Baffalo

Sunday - August 7, 2011

USA-Baffalo: Raiisul Wasaarihi hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa ku laabtay todobaadkan shaqadiisi hore ee xafiiska looga arimiyo gaadiidka Dowladda Hoosee ee Gobolka Buffalo dalka Mareykanka kaidb 9-bilood oo uu Soomaaliya ka ahaa Ra’iisul Wasaare.

Shaqaalaha xafiiska ayaa Mr. Farmaajo ku soo dhaweeyey si heer sare ah , waxaana ay la qaateen kulan ay ugu dhageysteen xilki uu Soomaaliya ka qabtay iyo sida ay aheyd xaalada Soomaaliya.

Waxey ii aheyd maalmo adag hadana waxaan ku soo laabtay nolosheyda caadiga aheyd ayuu yiri farmaajo oo wareysi ku siiyey xafiiskiisa wargeyska BUFFALO NEWS .

Saaxibadiisa shaqada ayaa intii uu maqnaa ku dhajiyey xafiisyadooda sawiradiisa iyagoo ku faraxsan in qof ka mid ahaa uu dal burbursan ka noqdo Ra’iisul Wasaare.

Kulankii uu shaqaalaha xafiiska la qaadanayey ayaa waxaa uu soo qaatay sawiro uu la galay madax ka tirsan caalamka oo ay ka mid ahaayeen sawiro ay wada galeen Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga , madaxa UN-ka , iyo wasiir ka tirsna dalka Britain.

Dhinaca kale waaxaa xaflada uu shaqada ugu laabanayey Farmaajo ku wehlinayey caruuryiisa uu dhalay iyo xaaskiisa.

Mar uu ka hadlayey waxyaabihi ugu naxdinta badnaa intii uu xilka hayey ee uu dalka Soomaaliya joogay waxaa uu sheegay inay ugu naxdin badneyd is qarxin lagu dilay wasiirkiisa arimaha gudaha xilli uu ka soo laabtay banaanbax xukumadiisa lagu taagerayey oo ka socday wadooyinka magaalada Muqdisho.

Farmaajo oo 49 jira waxaa uu iska dhiibay dalka Mareykanka 20-sano ka hor , waxaana uu waxbarashadiisa jaamacadeed ku qaatay isla dalkaas. http://www.buffalonews.com/city/article313942.ece