Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Sh. Cali Dheere Oo Sheegay Iney Isaga Baxeen Mogdisho Iyo General Shiikhuna O Xaqiijiyey Burburkooda

Saturday - August 6, 2011

Afhayeenka kooxda Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo la hadlay Raadiyaha Andolus ee ku hadla afka kooxda Shabaab ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey in kooxda ay isaga baxday gebi ahaanba gudaha Muqdisho.

Afhayeenka ayaa sheegay in kooxda Shabaab ay isaga baxday Muqdisho taa oo ku macneeyey kadib markii kooxda lagala wareegay fariisamo aad muhiim ugu ahaa Muqdisho iyo sidoo kale ciidamo Amerikaan ah iyo kuwa Faransiis ah oo uu sheegay inay ka barbar dagaalamayaan ciidamada dawlada KMG iyo kuwa AMISOM.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu tibaaxay in kooxda ay aad u jeceshahay taageerayaasheeda ha ahaadaano haweenka, dhalanyarada, aqoonyahanada iyo ganacsatada aysana marna dayaceenin isagoo intaa ku daray in xaaladaha dagaal ay isbadaleen sidaa awgeed ay iyagu badaleen islamarkaana laga dareemi doono xeryaha dawlada KMG iyo kuwa AMISOM isagoo sheegay in dagaalyahanada Shabaab ay mar waliba dhex taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed ayna ka dhicinayaan cid waliba oo ku xad gudbeyso waa sida uu hadalka u dhigaye.

Afhayeenka ayaa sidoo kale waxaa hadalkiisa ka muuqatay in dagaalada fool ka foolka ah ay u badalayaan kuwa is-midaamin iyo dagaalada ku dhufo iyo ka dhaqaaq ah (hit and run).

Dhinaca kale taliyaha Boliska Somaaliyeed S/gaas Shiikhuna Maya Ayaa daboolka ka qaaday in kooxdi shabaab ee ka dagaalameysay magaalada Mogdisho u soo gaaray dhawaac weyn oo ay u muuqato ineysan waayaahaan ka soo kabandoonin, waxuu kalo sheegay jeneraalku in goobo iyo saldhigyo ay ku daadsheen ciidamo Bolis oo ilaaliya meelahaas la cayimay siiba goobihi ay ka carareen kooxaha Al-shabaab.