Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

General Shiikhuna Maye Oo Yiri Al-Shabaab Bur-Bur Baa Soo Gaaray

Saturday - August 6, 2011

Xigasho Somaliweyn:Taliska Sare ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay ka fiigjigan yihiin falal Qarbudaad ah oo ka dhan ah Dawladda oo ay wado kooxda Al- Shabaab,isagoo ka hadalayay Goobo ay ka hirgaliyeen meelihi Koxddaasi laga saray.

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Shariif Shiikhunaa Maye oo ka hadlayay arintaasi ayaa sheegay in ay si aad ah uga foogjigan yihiin weeraro ay maleegeyso kooxda in ay ka geesato xeryaha ay ku sugan yihiin dadka ka soo barakacay gobollada dalka, isagoo tilmaamay in kooxda Shabaab uu gaaray bur bur baahsan oo ka dhashay howlgalladii ay ay sameyeen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

S/Gaas Shariif Shiikhunaa ayaa hoosta ka xariiqay in ay la diyaariyay ciidamo Baliis ah oo sugan ammaanka xeryaha qaxootiga si aysan falal qar budaad ah uga geysan kooxda taagta darran ee Shabaab.

Dhinaca kale taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in koontool Cusub oo ay ka sameyeen meellihii laga saaray kooxda Shabaab kuwaas oo ku kala yaala isgoyka Siinaay, Afarta Jarjiino, geed Jacayl iyo isgoyska Bakaaraha, waxa uu xusay taliyuhu in baaritaan la marsiin doono dhammaan gaadiidka iyo dadka isticmaala waddoyinkaasi.

Ugu danbeyntii taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaa uu intaasis sii raaciyay in ay xog badab ka hayaan waxyaabaha ay abaabulayaan kooxaha shabaabku oo ay ku dhibaateynaayaan shacabka Soomaaliyed sidaasi darteedna ay ku jiraan taxadar dheeraad ah oo arriamahaasi looga hortagay ay haayaan.