Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Dawlada Itoobiya Oo Hoos U Dhigtay Qiimaha Lacgta Lagu Qaato Warqada Ethiopian Origin

Friday - August 5, 2011

Adis Ababa: Dawlada federal-ka ee dalka ETHIOPIA , ayaa shaaca ka qaaday in ay hoos u dhigtay lacagta lagu  qaato  waraaqaha ETHIOPIAN Origin ee dalkaas, si dadka u dhashay wadanka loogu fududeeyo in ay fursado maalgasho u abuuraaan, isla markaana dadka aan u dhalan wadankaas  ee maalqabaneeeda ah in laga faa’iidaysto maalgashigooda.

Qaadashada kaaradhka  rasmiga ah  ee ee loo yaqaano Yellow cards-ka waxa uu hore  qimahoodu  u ahaa ilaa  $600,  taasi dad baban ee Itoobiyaan ah carqalad ku ahayd, iyada oo inta badan dadka ku nool dalkaas ay yihiin sabool  uu dakhliga maalintii soo gala qofkiiba ka hooseeyi nus Dollar, waxaana hadda qaadashada kaararkan laga dhigay $ 100, iyada oo la filayo in ay fursad ka faa’iidaysan doonaan  jaaliyadaha reer ETHIOPIA eek u nool wadamada kale.

Madax ka tirsan xafiiska bixinta kaarka  Huruuda ah ayaa Magaalada Adis Ababa kaga dhawaaqay in ay tallaabadaas noqon doonto mid wax tar weyn u yeelan doonto dhaqaalaha dalka oo wakhtiyadan dambe kobcayay, isla markaana in ay  la sahlayo ka faa’iidaysiga fursadaha maalgashi ee ay samayn karaan  jaaliyadaha ETHIOPIA  iyo maalgashadayaasha caalamiga ahba.

Waxa kale oo  ay sheegeen in ay dawladu fududaysay  fiisaha dalk-ku –galka ah, iyada oo laga shidaal qaadanayo, barnaamijka kor u qaadida horumarinta shaqaalaha dalkaas, waxaana ay la rajaynayaa in  ay kaarakan soo codsan doonaan tobonaan kun oo qorbo joog  Itoobiyaan ahi.